Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo Hawiye ah ayaa gaaray Shirkole

Muqdisho (Axadle) – Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka socda beelweynta Hawiye gaar ahaan Mudullood iyo Murusade ayaa galabta gaaray deegaanka Shirkole ee degmada Hodan.

Sida ay sheegayaan wararka saraakiil iyo xildhibaano ayaa u baxay Shirkole si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Jeneraal Saadaq Joon iyo xubnaha Habargidir ee halkaas ku sugan, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

Xildhibaanada iyo saraakiisha ayaa lafilayaa in ay kaqeyb galaan shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ulaqaatan xildhibaanada hawiye, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka.

Xubnahan ayaa watay gaadiid dagaal iyo ciidamo fara badan sida ay sheegeen dadka deegaanka Shiirkole, waxayna halkaasi ku kordhiyeen ciidankii horey ugu badnaa. Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa 50 farsamayaqaano ah ay gaareen halkaas.

Deegaanka Shiirkole ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay isku daygii dowladda ee xariga Jeneraal Saadaq, kaasoo fashilmay markii ciidamo iyo xildhibaano aad u tiro badan ay ku biireen.

Xildhibaanada Beesha-Habar-gidir ee kala ah Mahad Salaad, C / raxmaan Odawaa iyo Cabdi Saabir Shuuriye oo ay wehliyaan odayaasha dhaqanka ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay Shirkole iyagoo ka digay weerar lagu qaado Saadaq Joon.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku booriyay dhamaan muwaadiniinta inay u diyaar garoobaan difaaca golaha wasiirada, iyagoo ku tilmaamay labadoodaba “sharci-darro” Villa Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More