Ciyaaryahanadda Man City Oo Xalay Hurdada Loo Diidday, Qayladii, Qiiqii

Saddex jeer oo kala duwan ayaa hurdada laga kiciyey, waxaanay ahaayeen kuwo jugta iyo qaylada baxaysa aan ka ledin, xilli ay doonayeen in ay si fiican u seexdaan, si ay ciyaar fiican ugala hor-tegi karaan Borussia Dortmund oo ay caawa marti ugu yihiin waddanka Jarmalka.

Ciyaaryahanadda Manchester City ayaa garoonka Iduna Park caawa kula ciyaari doona Dortmund lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League iyadoo ciyaartii horena ay ku kala baxeen 2-1 uu daqiiqaddii ugu dambaysay goolka guusha dhaliyey Phil Foden.

Si kastaba, taageereyaasha jibbaysan ee xamaasaddu madax martay ee Borussia Dortmund ayaa soo dhoweyntii ugu xumayd u sameeyey ciyaartoyda Manchester City, waxaana 17 oo gaangistaro ah ay xalay oo dhan kusoo jeedeen bannaanka hotelka ay ciyaartoyda City degganaayeen.

Markii ay saacaddu ahayd 2:45am ee saqdii dhexe, ayaa ciyaartoyda City hurdada lagaga toosiyey qaylo dheer, qaraxyada walxaha ololka iyo sawaxanka dheer sameeya iyo gaangistaradan oo sare u dhawaaqayay.

Shaqaalaha amaanka ee goobta ayaa kala dareeriyey taageereyaashan, waxaanay ka tageen goobta.

Saacaddu markii ay ahayd 4:30am ayaa mar kale hurdada ay ka kaceen ciyaartoyda City, waxaana mar kaliya hotelka bannaankiisa laga maqlay dhawr qarax oo kala duwan, waxaanay gaangisteradan qaarkood isku dayeen in ay gudaha usoo galaan hotelka.

Ciidamada booliska ayaa loogu yeedhay oo kala dareeriyey, laakiin taasi kama dhignayn in markii ugu dambaysay ay noqoto.

Mar saddexaad ayay gaangisteradani kusoo laabteen goota xilli ay saacaddu ku beegnayd 5:30am ee salaadda subax kaddib, waxaana mar kale is-qabsaday.

Markan saddexaad waxay gaangisterada isku dhaceen qaar ka mid ah shaqaalaha Manchester City oo isku dayey in ay iyagu ciyaartoydooda ka caawiyaan in ay hurdo seexdaan.

Si kastbaa, Manchester City oo haysata guul 2-1 ah ayaa caawa marti ku ah Iduna Park, waxaanay u baahan tahay in ay guuleysato amaba ay iska ilaaliso in laga daba yimaaddo guushii ay usbuucii hore soo gaadhay, halka Borussia Dortmund ay kusoo bixi karayso 1-0 ay ku badiso caawa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More