Saddex Siyaabood Oo Uu Zinedine Zidane Ku Xallin Karo Dhibaatada

Zinedine Zidane ayaa waajahaya madax-xanuun dhinaca difaacyada ah kulanka Arbacada ay la ciyaarayaan Liveprool, waxaana dhaawacyo kaga maqan Lucas Vazquez oo kulankii Barcelona dhaawac kasoo gaadhay Dani Carvajal iyo Sergio Ramos, halka uu Raphael Varane ku maqan yahay fayraska Korona.

Los Blancos ayaa ciyaartii hore 3-1 ku garaacday Liverpool, waxaanay Arbacada isku haleelayaan lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League.

Zidane ayaa ciyaartan aan haysanin labadii difaac midig ee dookhiisa ahaa ee Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez, waxaana su’aasha la is weydiinayo ay tahay sida uu ku xallin doono mushkiladdan, iyadoo ay hor-yaallaan dhawr dookh oo dhamaantood tijaabo noqonaya.

1. Odriozola iyo afar dambe

Alvaro waa ciyaartoyga daqiiqadaha ugu yar u saftay Real Madrid xilli ciyaareedkan, laakiin waa difaac midig oo dabiici ah oo diyaar u ah kulanka Liverpool.

Haddii Zidane uu doonayo in uu ku ciyaaro afar difaac, Odrioziola ayaa ka ciyaari doona dhinaca midig, halka Nacho Fernandes iyo Eder Militao ay difaacyada dhexe ahaan doonaan, sidoo kalena uu Ferland Mendy difaaca bidix xajisan doono.

2. Militao oo ka ciyaara difaaca midig

Waa dookh kale oo u bannaan Zidane in uu wali kusii dhegsanaado afarta difaaca ah, isla markaana uu dhinaca midig geeyo Militao, halka uu Mendy iyo Nacho iska garab ciyaarsiinayo difaaca dhexe, sidoo kalena uu difaaca  bidix tegayo Marcelo.

Maadaama Ramos iyo Varane ay maqan yihiin, Militao ayaa kulamadii Liverpool iyo Barcelona waxa uu ka ciyaaray difaaca dhexe, laakiin hal mar ayaa uu hore ua ciyaaray difaac midig, waana ciyaartii Real Betis ay kaga soo badisay garoonka Estadio Benito Villamrin xilli ciyaareedkii hore.

Dookhyaha kale ee u bannaan Zidane ayaa waxa ka mid ah in Nacho uu difaaca midig ka ciyaaro, Militao iyo Mendy na difaaca dhexe, halka Marcelo uu No.3 ka ciyaarayo.

3. Valverde oo ka ciyaara difaaca midig iyo saddex difaac dambe

Laacibka khadka dhexe ee Fede Valverde ayaa taam u noqday ciyaartan, waxaana uu Zidane kusoo bilaabi karaa kulankan Anfield.

Xiddiga reer Uruguay ayaa faa’iidooyin badan u leh Zidane, sababtoo ah, wuxuu ka ciyaari karaa boosas badan, iyadoo uu difaaca midig qaban karayo, taas oo haddii loo doorto uu ka garab ciyaari doono saddexda difaac ee Militao, Nacho iyo Mendy.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More