Daalibaan oo ka soo horjeesatey kaqeyb galaan wadahadalada Turkiga uga Furmaya

Talibanka kuma lug lahaan doono howlaha nabada ee Afghanistan si looga wada hadlo in Turkiga uu furmayo todobaadkan iyo in kale, afhayeen u hadlay kooxda hubeysan ayaa yiri.

Turkiga ayaa martigelinaya kulan muhiim ah bishaan dhexmara UN-ka iyo Qatar oo qeyb ka ah wadahadallada uu Mareykanku taageerayo si heshiis nabadeed looga gaaro dhinacyada isku haya Afghanistan.

Diblomaasiyiinta iyo saraakiisha sarsare ayaa la sheegay in loo qorsheeyay inay wadahadalada ku qabtaan muddo toban maalmood gudahood ah laga bilaabo 16ka Abriil, inkasta oo aan la shaacinin waqtiga la dhameystirayo.

Kama qayb geli karno shirka Turkiga ka dhacaya 16-ka Abriil sababo la xiriira doodaha socda ”. Afhayeenka Taliban Mohammed Naeem ayaa ku yiri hadal uu siiyay wakaaladaha wararka.

In kasta oo aan waqti loo cayimin shir madaxeedka Turkiga, haddana waqtiga ugu dambeeya ee 1-da May waa in laga soo saaro Afghanistan ciidamada Mareykanka iyo kuwa NATO iyadoo la raacayo heshiiskii dowladdii madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump iyo Taliban sanad ka hor.

Saraakiisha ayaa ka cabsi qaba in rabshadaha ka socda dalka ay sii kordhaan ilaa iyo inta heshiis laga gaarayo dhawaan.

Hogaamiyaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inay “adkaaneyso” in ciidamada lagala baxo bisha May, laakiin ay u egtahay inaysan sii socon doonin sanadka soo socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More