RASMI: Garsooraha Kulanka Liverpool Iyo Real Madrid Ee Lugta Labaad Ee

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey garsooraha qaban doona kulanka adag ee Liverpool ay garoonkeeda Anfield ku martigelin doonto Real Madrid, lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League.

Ciyaartii hore ee labadan kooxood ee toddobaadkii hore ka qabsoontay magaalada Madrid, waxa guuleysatay Real Madrid oo 3-1 kaga badisay Liverpool.

Tababare Jurgen Klopp oo rajada kaliya ee kooxdiisu ay haysato xilli ciyaareedkan ay tahay tartanka Champion League ayaa waxay isku diyaarinaysaa in guul soo laabasho ah ay ka gaadho Real Madrid, laakiin waxa looga baahan yahay in ugu yaraan ay ku badiso 2-0, si ay ugu gudbi karto wareegga xiga ee semi-finalka.

Zinedine Zidane ayaa isaguna ku jira marxalad wanaagsan, iyadoo Sabtidii ay kooxdiisu ka  badisay Barcelona, horena ay usoo garaacday Liverpool, waxaanay filayaan in ay mar kale sii wadan karayaan bandhiggooda cajiibka ah.

Si kastaba, UEFA ayaa kulanka adag ee Liverpool iyo Real Madrid waxay u magacowday garsooraha reer Netherlands ee Björn Kuipers oo ah ka mid ah siidhiwaleyaasha ugu wanaagsan dunida.

Björn Kuipers ayay u noqonaysaa markii siddeedaad ee uu qabto kulamo Champions League oo ay Real Madrid ku lug leedahay, waxaana ciyaartii ugu dambaysay ay ahayd wareeggii groups-ka ee xilli ciyaareedkan, kulankii ay Los Blancos 2-0 ku garaacday Borussia Monchengladbach.

Ciyaartii ugu horreysay ee Björn Kuipers uu u qabto Real Madrid ayaa ahayd xilli ciyaareedkii 2011/12 kulan ka tirsanaa wareegga 16ka oo ay CSKA Moscow ku kala baxeen 1-1.

Xilli ciyaareedkii 2012/13 ayuu Björn Kuipers  garsoore ka ahaa kulankii semi-finalka Champions League ee Signal Iduna Park ay Borussia Dortmund 4-1 ku garaacday Real Madrid, laakiin xilli ciyaareedkii xigay ee 2013/14 ayuu hayey finalkii Champions League ee Real Madrid ay 4-1 ku garaacday Atletico Madrid, koobkana kaga qaadday.

2017/18 ayuu sidoo kale Björn Kuipers  hayey kulankii wareegga Group-yada ee Real Madrid ay 2-1 kaga adkaatay Borussia Dortmund iyo lugtii hore ee wareegga semi-finalka isla xilli ciyaareedkaas oo Bayern Munich ay ku garaaceen 1-2.

Xilli ciyaareedkii xigay ayuu mar kale hayay, wuxuu hayay ciyaartii garoonka Santiago Bernabeu ay 3-0 kaga badiyeen AS Roma.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More