Maxaa Sabab U Ahaa In Lionel Messi Uu Maaliyada Iska Bedelo Intii Ay

Lionel Messi ayaa mar kale abuuray dood ah haddii uu ku ciyaari karo habeen qabow oo roob ah garoonka Stoke City ka dib markii roobkii ka da’ ayay Madrid uu ku qasbay inuu maaliyada iska bedelo intii ay socotay kulankii El Clasico.

Inkastoo uu ku guuleystay koobab badan oo kala duwan waayihiisa ciyaareed, lix Ballond d’Or islamarkaana uu jabiyay rikoodhyo badan, hal su’aal ayaa badanaa dul hogata Messi oo ah haddii uu awoodi karo inuu ka ciyaaro England.

Waxaa inta badan laga doodaa haddii Messi uu ka ciyaari karo kubada xooga ku dhisan ee Premier League, waxaana tusaale loogu soo qaataa inuu ku dheeli karo garoonka Stoke City habeen qabow oo roob da’ayo.

Xalayto roob weyn ayaa ka da’ayay garoonka Estadio Alfredo Di Stefano qeybtii labaad ee kulankii Clasico ka dib markii Karim Benzema uu goolkiisii ciribta ahaa ku shiday ciyaarta.

Xiddiga Barcelona ayaa awoodi waayay inuu xamilo roobka iyadoo la arkayay isagoo dhaxan ay heyso, wuxuuna doortay inuu iska bedelo maaliyada iyo funaanadii uu ka hoos xirnaa madaama ay qabow ku noqotay.

Waxay taasi keentay in taageerayaasha ay Twitter ku soo qoraan inay tani cadeyn u taahy in 33 jirkaan uusan ku ciyaari karin garoonka kooxda heerka labaad ee Stoke City oo ku yaala gobolka uu roobka kala joogsi laheyn.

Dabcan xiddiga afarta jeer ku guuleystay Champions League waxa uu kooxaha Ingariiska ku wajahay tartamada Yurub dhowr jeer isagoo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

34 kulan uu ka horyimid kooxaha ugu waa weyn Premier League, Messi wuxuu dhaliyay 26 gool wuxuu caawiye ka noqday lix kale laakiin dabcan midkoodna kulamadaas lama uusan dheelin Stoke oo hal qabsi loo dhigay.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More