MURUGO: Geerida Murugadeedu Qarisay Guushii Liverpool Ee Caawa & James

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa murugoonaysa kaddib markii uu soo gaadhay warka sheegaya in toogasho lagu dilay taageere daacad u ahaa oo 20 xabbadood lagu dhuftay isaga oo baabuurkiisa ku dhex jira.

James Taylor oo 34 jir ahaa ayaa 20 xabbadood lagu dhuftay isaga oo ku jira baabuurkiisa Mercedes Van, isla markaana taagnaa goob uu ku sugayay inanta uu dhalay.

Booliska magaalada ayaa bilaabay hawl-gal, waxaanay xabsiga soo dhigeen illaa 17 qof oo loo aanaynayo in ay ku jiri karayaan dadkii dilka foosha xun geystay.

Inkasta oo ay 20 xabbadood ku dhaceen, James ayaa sii noolaa waqti kooban isagoo dhaawac ah.

Booliska ayaa kusoo warramay in gaadhiga James lasoo ag-dhigtay baabuur kale oo ay ku jireen rag hubaysan oo huwiyey rasaas aan loo aabbo yeelin.

Sarkaal sare oo boolis ah ayaa sheegay in dadka tirada badan ee ay xidheen ay ku samaynayaan baadhitaan, laakiin illaa hadda aanay haynin caddayn rasmi ah oo la xidhiidha cidda dilka geysatay, sidoo kalena aan la garanayn sababta loo dilay James Taylor.

Ragga la xidhay ayaa lagu soo warramayaa in uu ku jiro ganacsade ay da’diisu tahay 43 jir oo hore uga soo baxay xabsi bishii February, isagoo lagu sii daayey damiin, laakiin aan la garanayn haddii ay wax ka dhexeeyeen James Taylor.

Liverpool ayaa dhinaceeda tacsi uga dirtay taageeraheedan sida xun loo dilay.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More