“Mbappe, Haaland Iyo……” – Berbatov Oo Saadaaliyay SADDEXDA Da’yar

Xiddigii hore ee kooxda Manchester United ee Dimitar Berbatov ayaa da’yarka kooxdiisii hore ee Marcus Rashford ku taageeray inuu mustaqbalka dhaw dunida kubadda cagta la qabsado xiddigaha kala ah Kylian Mbappe iyo Erling Haaland oo Paris Saint-Germain iyo Borussia Dortmund ka kala tirsan.

23 sano jirka weerarka ee Manchester ayaa Khamiistii dhaliyay goolkiisii 20-aad ee xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan isaga oo shabaqa kasoo taabtay kooxda Granada kulankii 2-0 kusoo dhammaaday.

Rashford ayaa hadda kaliya 2 gool u jira inuu jabiyo rekoodhkiisii gool dhalinta ee xilli ciyaareedkii hore oo ahaa xilli ciyaareedkii ay gool dhalintiisu ugu fiicnayd tan iyo markii uu masraxa ugu sarreeya kubadda cagta soo galay sanadkii 2016.

Isaga oo la hadlayay shirkadda Betfair, Dimitar Berbatov ayaa aaminsan in Rashord uu xiddigaha hoggaanka u qabta kubadda cagta mustaqbalka dhaw la noqon doono Haaland iyo Mbappe.

Si kastaba, halyeeyga ree Bulgaria ayaa ku waaniyay Rashford inuu horumariyo sida uu diirada u saaro goolka kooxda kasoo horjeeda marka uu wajaho oo uusan u arkin mid 100%.

Dimitar oo Betfair u warramayay ayaa yidhi “Rashford wali waa xiddig aad u yar haddana wali xiddig weyn ayuu ka yahay dunida kubadda cagta, imika in mudo ah ayuu hoggaaminayay weerarka Man United  waxaan filayaa inuu helayo amaanta uu u qalmo waxaanan rajaynayaa inuu hadda uun bilaabayo”

“Mbappe, Haaland iyo Rashford waa ciyaaryahanada aan filayo inay qabsan doonaan mustaqbalka, walow uu kaliya 23 sano jir yahay haddana waxa uu durtaba leeyahay khibrad badan waxa uu galayaa sanadkiisii shanaad ee uu yahay ciyaaryahan kooxda koowaad ah iyo qayb weyn oo kooxda kamid ah”

 

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More