Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo kala hadlaya arrimaha doorashada

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid C / laahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta siyaabo kala duwan ula kulmay safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya.

Hogaamiyaha Maamulka Puntland ee Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Hogaamiyaha Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaabilay Safiirka Sweden u fadhiya Soomaaliya Mudane Staffan Tillander.”

“Shirka waxaa looga hadlay arrimaha la xiriira doorashooyinka, caqabadaha jira iyo sida ugu wanaagsan ee loo qaban karo doorashooyinka guud,” ayaa lagu daray warsaxaafadeedka.

Dhanka kale, madaxtooyada Jubaland ayaa warsaxaafadeedka ku tiri: “Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu hoygiisa ku qaabilay Safiirkiisa Sweden u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander.”

Kulankan ayaa looga hadlay xaalada dalka uu marayo, gaar ahaan doorashooyinka soo socda iyo shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka. ayaa lagu daray bayaanka.

Kulankooda ayaa ku soo aadaya xili wada hadaladii xal u helida ismariwaaga Masuuliyiinta Soomaalida uu hakad ku yimid kadib markii tanaasul la’aan ay muujisay hogaamiyayaasha dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More