Maxay kawada hadleen Villa Somalia & Madax

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa soo agaasintay kulan gaar ah oo ay la yeelatay Madax Goboleedyada la safan si ajande ay ku mideysan yihiin ula tagaan Madasha Afisiyooni oo maanta lagu daah-furayo Shirka looga hadlaya ka gudubka caqabadaha hortaagan Doorashooyinka Soomaaliya.

Villa Somalia oo u muuqata Cadaadis xooggan ee uga imaanaya Madaxda DG Puntland & Jubbaland, Musharixiinta, Siyaasiyiinta & go’aanka Beesha Caalamka ee ah in muhiim tahay qabsoomidda Doorashooyinka ayaa diyaarisay Ajandaha ay ku wajaheyso dhinacyadaas si ay isaga muusto culeyska kusoo wajahan.

Kulanka xalay ka dhacay Muqdisho ee u dhaxeeyay Madaxtooyada Soomaaliya, Madax Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle waxaa ku lamaanan maamul Gobolka Banaadir oo qayb ka ah saamiga heshiiska 17-kii September 2020 ka dhacay Caasimadda.

Sida ay Mustaqbal Ogaatay, Muqdisho waxaa ka socda Kulamo gaar gaar ah oo inta badan soo bilawday xalay Saq dhexe si dhinacyada ku kala qaybsamay heshiiska Doorashooyinka dhabbaha loo marayo u kala diyaarsadaan qorshooyin ay la tagayaan kulanka Beesha Caalamka Gar-wadeynka ka tahay.

Kulamadaan ayaa yimid kadib markii War kasoo baxay Mareykanka lagu wargeliyay dhinacyada maanta kulmaya in aysan kala tagi karin ilaa inta natiijo wanaagsan ka dhalinayaan, maadaama dib udhaca Doorashooyinka ay caqabad horleh beereyso.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kala xod-xodashada dhinacyada saameynta ku leh Siyaasadda, ujeedka ayaa ah si talo wadaagga lagu daah-furayo Shirka ka dhacaya Teendhada Afisiyooni qodobo Duur-xul ah ugu soo bandhigaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More