Siciid Deni oo ka degay magaalada Muqdisho
Hogaamiyaha Dawladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Sabti ah lagu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Safarka Deni oo ay ku wehliyaan xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Puntland ayaa ah ka qeyb galka wadahadalo xal loogu raadinayo khilaafka doorashooyinka.
Dhiggiisa Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa asbuucii lasoo dhaafay ka dagay magaalada Muqdisho, isagoo kulamo hordhac ah la qaatay musharixiinta, gudoomiyaha Aqalka Sare iyo diblomaasiyiinta.
Labada hogaamiye ayaa geeyay ciidamo aad u hubeysan oo amniga suga kuwaas oo la sheegay inay sugi doonaan amaanka madaxweynayaasha.
Afhayeenka madaxtooyada Dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Jaamac Dabaraani ayaa si kooban warbaahinta ugu sheegay in booqashada Deni ay la xiriirto shirka xal u raadinta doorashooyinka Federaalka iyo hirgalinta heshiiskii la gaaray Sebtember 17, 2020.
Booqashada Deni kahor, waxaa xirmay qaar kamid ah wadooyinka caasimada. Sikastaba, warbixino kala duwan ayaa ka soo baxay sababta rasmiga ah ee loo xiray wadooyinkan oo qaarkood ay ku xireen safar.
Wararka qaar ayaa sheegaya in waddooyinka caasimadda loo xiray wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Turkiga.
Ilo wareedyada qaar ayaa soo sheegay in waddooyinka ay xirnaan doonaan maalmaha soo socda, isla markaana loogu talagalay in lagu sugo amniga caasimadda inta shirku socdo.
Amniga iyo Milatariga ayaa kamid ah qodobada ugu waaweyn ee ajandayaasha looga hadlayo iyadoo Villa Soomaaliya ay wajaheyso eedeymo loo adeegsanayo dano siyaasadeed iyo mid shaqsiyadeed.