100ka Xiddig Ee Ugu Wanaagsanaa Qarnigan 21aad Oo La
Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi iyo laacibka reer Portugal ee ay sida weyn u xafiiltamaan ee Cristiano Ronaldo ayaa hoggaaminaya liiska 100ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa dunida qarniga 21aad oo kasoo bilaabmay sannadkii 2000.
- Advertisement -
Ronaldinho ayaa kaalinta saddexaad kasoo cidhiidhsaday, balse waxa lama filaan noqotay in halyeygii khadka dhexe ee Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Xavi uu kaalinta saddexaad fadhiyo.
Qiimayn uu sameeyey wargeyska Independent ee kasoo baxa waddanka UK ayaa waxa uu ku sheegay in Andres Iniesta uu yahay ciyaartoyga shanaad ee dunida ugu fiicnaa qarnigan 21aad, uuna ka horreeyo Ronaldo Nazario oo lixaad fadhiya, Thierry Henry oo booska toddobaad ku jira, halka Zinedine Zidane uu siddeedaad kaga jiro qiimaynta 100ka ciyaartoy ee ugu fiicnaa qarniga 21aad.
Ricardo Kaka iyo Fabio Cannavaro ayaa tobanka kaalmood ee ugu horreeya soo dhamaystiray, waxaase 11aad iyo 12aad ku kala jira Andrea Pirlo iyo Sergio Ramos, halka goolhaye Gianluigi Buffon uu ku jiro kaalinta 13aad.
Laacibkii hore ee khadka dhexe ee reer Ivory Coast ee Yaya Toure ayaa kaalinta ugu dambaysa ee 100aad ku jira, waxaana 99 fadhiya Harry Kane oo kasii dambeeya Daniele De Rossi, Bastian Schweinsteiger, Vincent Kompany iyo Karim Benzema.
Halkan kaga bogo liiska 100ka ciyaartoy ee ugu fiican qarniga 21aad:
97. Bastian Schweinsteiger
95. Karim Benzema
87. Pierre-Emerick Aubameyang