Xildhibaan Warfaa: “Waa awood sheegasho in Xildhibaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ganaax shan kulan ah dul-dhigay 15-Xildhibaan oo ku eedeysan is hor istaag fadhiga Baarlamaanka uu shalay ku lahaa Muqdisho kadib markii Xildhibaannadaas ay muujiyeen shaki la xiriira in waqti kororsi loo sameynayo Dowladda muddo xileedkeeda dhammaaday.

- Advertisement -

Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa oo kamid ah mudanayaasha ganaaxa shanta kulan ah la dul-dhigay oo la hadlay VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamay in awoodda Dastuurka uu siiyay qiil looga dhigo kulan joojin 5-Cishe ah.

Warfaa ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS ku eedeeyay in uu u awood sheeganayo Xildhibaannada fikirkooda ku cabiraya Villa Hargeysa oo si KMG ah uu ugu shaqeynayo Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waa nasiib darro, waxa aan dhihi karaa awooddii si kale loo isticmaalayo, awoodaha xildhibaanka uu heysto waa xanaasadda waana qodobka 70-aad oo si cad u sheegaya in aysan dhibaato uga imaan karin fikir cabiristooda & codkooda si xor ah” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Sadiiq Warfaa.

Arrintaan ayaa sii cakireysa muranka Siyaasadeed ee hareeyay Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka gaar ahaan Laanta Xeer Dejinta oo labo dhinac u kala jabay, qaarkood ayaa la safan Hogaamiyayaasha Muddo xileedkoodu dhammaaday halka qaar kale ay kasoo horjeedaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More