Maxay isla garteen Qoor-Qoor, Guudlaawe & Golaha
Kulankaan xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa ka qaybgalay Hogaamiyayaasha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor & Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta ahna Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud & xubno kale oo golaha katirsan.
- Advertisement -
Fadhiga oo Saacado qaatay waxa ay dhinacyada yeeshay is tusiyeen qaabka looga gudbi karo khilaafka daba-dheeraaday, maadaama muddo xileedka Hogaamiyayaasha Dowladda Federaalka uu dhammaaday balse Doorashooyinkii lagu ballamay ay qabsoomi waayeen.
Kulankaan ayaa daba-socday fadhi shalay Golaha Midowga Musharixiinta ay la qaateen Madax-Goboleedyada, waxaana war kasoo baxay Golahaas lagu sheegay in Shanta Hogaamiye maamul-Goboleed ay u gudbiyeen talooyin la xiriira Doorashooyinka & habka ay la tahay in looga gudbi karo Khilaafaadka taagan.
Ilo xilkas ah ayaa Axadle u sheegay in dabac-siyaasadeed uu ka dhex-dhashay Hogaamiyayaasha Shanta Dowlad Goboleed oo isku raacay in maalin kadib uu qabsoomo fadhi guud oo looga hadlayo habka looga gudbayo caqabadaha taagan & waxyaabaha laga bartay isda-jiitanka aan dhammaadka lahayn.
“Midawga Musharixiinta ayaa ka shaqeeyay isu soo dhawaanshiyo ay ka dhex sameeyeen Hogaamiyayaasha Maamul goboleedyada, kadib markii ay istuseen in waxa kaliya oo Madaxwayne Farmaajo looga guulaysan karo ay tahay in doorasho la’aado, Waxaa jira tanaasul ay Midawga musharixiinta iyo DG Puntland & Jubbaland ka samaynayaan sidii uu shirku u furmi lahaa, taas oo iyana heeRkii ugu danbaysa maraysa” Sidaasi waxaa Axadle u sheegay ilo xilkas ah.
Hogaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle ayaa maanta oo Axad ah markale kulmaya si ay isla afgartaan oo ay u diyaariyeen qodobo si horudhac ah u calaamadeeyeen si loo helo xalka Doorashooyinka loogana gudbo caqabadaha hortaagan.
Dhinacyada isku khilaafsan Doorashooyinka Dalka ayaa u muuqda kuwo ka daalay shirarka aan dhammaadka lahayn, kala shakiga siyaasadeed & gacmah jiidka dhexdooda ah maadaama waqti dheer ay joogaan Muqdisho iyada oo aysan jirin wax horumar ah oo laga gaaray heshiiska ay caasimadda usoo gaareen.