Gini Wijnaldum Oo Sharaxay Dagaalkii Afka Ahaa

Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Georgino Wijnaldum ayaa sharaxaad ka bixiyay murankii isaga iyo tababarihiisa xulka Netherlands Frank de Boer ku dhexmaray garoonka ka dib markii la bedelay kulankii ay ka badiyeen xulka Latvia.

- Advertisement -

Holland ayaa ka soo kabsatay guuldaradii bartamihii isbuuca ka soo gaartay Turkiga iyagoo xalay 2-0 kaga badiyay Latvia ka dib goolal ay u kala dhaliyeen Steven Berghuis iyo Luuk de Jong iyadoo shan kun taageerayaal ah ay daawanayeen.

Wax yar ka dib markii Holland ay dhalisay goolkeedii labaad, De Boer ayaa seddex bedelay sameeyay daqiiqadii 79aad iyadoo Wijnaldum uu u muuqday mid ka careysan bedelka lagu sameeyay.

Xiddiga Liverpool ayaa hadalo kulul ay isweydaarsadeen tababarihiisa cadaadiska uu saaran yahay ka hor inta uusan fariisanin kursiga keydka.

Wijnaldum ayaa sheegay in qilaafkooda la xaliyay madaama uu kaliya doonayay inuu garoonka ku sii jiro isagoo aaminsanaa inuu gool dhalin karay.

“Waan ka xaqaanay bedelkii la igu sameeyay. Laakiin ma ahan inaan wax weyn ka dhigno” ayuu Wijnaldum u sheegay NOS ciyaarta ka dib.

“Waxaan doonayay inaan garoonka baaqi ku sii ahaado sababtoo ah waxaa igu jiray dareen ah inaan gool dhalin karay sababtoo ah daafaca Latvia waxay ahaayeen kuwa furan.

“Laakiin aniga iyo tababaraha waan kawada hadalnay, wax xumaan ah nagama dhaxeyso.

“Marka aad ciyaarta ku riyaaqeysa ma dooneysid in lagu bixiyo. Laakiin ciyaartoy kale ayaa keydka inoo fadhiya oo iyagana doonaya inay ciyaarta ku riyaaqaan.

“Sidaasi darteed marka dhinac laga eego waxaan ahaa mid careysan laakiin dhanka kalena waxay u fiican tahay xulka marka ciyaartoyda kale ay iyaguna helaan fursad ay ku ciyaaraan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More