Muqdisho (Axadle) – Xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaciyey qorshaha qaran ee amniga doorashooyinka dalka oo ka kooban 17 bog, ayada oo dalka uu aadayo doorasho dadban.
Waxaa sidoo kale la dhisay Guddi Amni oo ka kooban 9 xubnood, mas’uulna ka ah amniga doorashada, uuna hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xubnaha ay ka mid yihiin Taliyayaasha Booliska Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, iyo Taliyaha Booliska AMISOM.
Guddiga Amni ayaa…