Qarax lagusoo qariyay gaari Dameer oo shan qof Ku dilay magaalada Ceelwaaq
Talaado, April, 30, 2024 (AX) - Shan qof ayaa ku geeriyooday, shan kalena si xun ayay ugu dhaaacmeen qarax lagusoo qariyay gaari dameer, kaasoo ku qarxay magaalada Ceelwaaq Kenya, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki.Qaraxan, oo dhacay Isniinta shalay, cidna ma sheegan, hase ahaatee, wuxuu ka dhacay aag si joogto ah ay u beegsadaan kooxda Al-Shabaab.Qaraxa waxaa lagu soo dhex qariyay gaari dameer si looga fogaado in la ogaado, ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha."Goobta dembiga ayaa la xiray si loo…