Browsing Tag

Ciidanka

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda oo lagu dilay magaalada Muqdisho

 Sabti, April, 4, 2024 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay magaalada Muqdisho Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya.Sarkaalkaan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Cumar Axmed oo loo yaqiinay Aadan biit, kaasoo lagu dilay goob maqaaxi ah oo ku taala agagarka xerada Iskool Buluusiya oo ka mid ah meelaha sida weyn loo ilaaliyo. Dilka Sarkaalkaan ayaa waxaa geystay nin ku hubeysnaa Bastoolad, kaasoo ku dhuftay marxuumka dhowr xabdood, islamarkaana si deg deg ah goobta uga…

Maraykanka oo dib u qiimeyn ku sameyndoona taageerada uu siiyo ciidanka Danab

Axad, April, 28, 2024 (AX) - Xukumadda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto xiriirkooda iyo wadashaqeyntooda Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, oo ah cutub ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).Sarkaal Mareykan ah ayaa  u sheegay Reuters in Washington ay si dhab ah u qaadanayso dhammaan eedeymaha musuqmaasuqa. Saraakiisha  Ciidanka Danab ayaa lagu eedeeyay u weecinta raashiinka suuqa madow taasoo lid ku ah heshiis ay wada galeen Soomaaliya iyo Mareykanka."Waxaan rajeyneynaa…

Wasiirka Gaashaandhigga oo xaqiijiyay in saraakiil darajo sare leh ay u xiran yihiin leexsashada raashinka ciidanka Danab

Axad, April, 28, 2024 (AX) - Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay in saraakiil darajo sare leh oo katirsan ciidan Danab lagu qabtay iyagoo gacmaha kula jiray musuq maasuq ka dhan ah raashin loogu talo galay hal guuto oo kamid ah ciidanka Danab.Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hadalkan ku sheegay wareysi siiyay universal Tv, isagoo sheegay, falkaan inuu dhacay bishii hore, ayna muddo shan cishe ah u xiran yihiin saraakiishii ku lug lahayd falkaas.Wuxuu sheegay in raashinka lagu iibsaday…

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo si weyn uga horyimid qorshe ay wado Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka

Talaado, April, 30, 2024 (AX) - Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa uga digay Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya talaabo uu ku sheegay in Wasaaraddu ay ku dooneyso iney ku burburiso ciidamada Asluubta.Jenaraalka ayaa warkaan sheegay kadib shir sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlaayay arrimaha ciidanka Asluubta, wuxuuna si cad sharci daro ugu tilmaamay qorahe uu tilmaamay iney wado Wasaaradda Cadaaladda…

Maraykanka oo hakiyay raashinkii uu siin jiray ciidanka kumaandooska Danab

 Jimco, April, 26, 2024 (AX) - Xukumadda Mareykanka ayaa hakisay cunnadii ay siin jirtay ciidanka kumaandooska Danab, kadib markii ay soo shaac baxday musuq-maasuq ku saabsan  iibsashada gargaarka cuntada iyo shidaalka ee lasiiyo ciidamada Danab.Go’aanka lagu hakiyay raashiinkii Danab ayaa waxaa loo gudbiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ku sugan safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi.Joojinta kaalmada ayaa dhabar jab weyn ku ah ciidamada…

52 sano kadib macquul ma u tahay Ciidanka XD inay

8-dii Maarso 2021, waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka soo degay ciidamo uu tababaray Turkiga. Ciidankan sida gaarka ah u tababaran ayaa kamid ah Guutada 15-aad ee Gorgor. Ciidamada Gorgor iyo Harmaad ayaa ah kuwa ugu magaca weyn dalka Soomaaliya xiligan waxaana tan iyo tababarkooda gacanta ku hayey xukuumada Ankara, Turkiga ayaa kamid ah dowladaha ka qeyb qaadanaya dib u dhiska ciidanka Soomaaliya. Sida laga soo xigtay siyaasiyiinta, ciidankaas waxaa laga weeciyay howlihii loo tababaray, waxaa loo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More