Browsing Tag

ah

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeellaha dhexe

 Khamiis, April, 25, 2024 (AX) - Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabeelle uu fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Jowhar. Deegaanada uu fatahaada ka geystay wabiga Shabeelle ayaa kala Baareey, Mareerey, Kuukaay, Maandheere, Xawaadley iyo Bayaxaaw, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Hirshabelle Maxamed Bashir Qasim Daqare."Ka maamul ahaan dadaalo badan oo biyo xireeno ayaa sameynay, hadana wabiga oo…

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka shiray sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

Arbaco, April, 24, 2024 (AX) - Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan saacado badan qaatay oo ay gudaha dalka Kenya kula yeesheen Saraakiil sar sare oo ka socotay Wasaaradda Difaaaca dowladda Maraykanka. Kulanka oo ka dhacay magaalada Nairobi waxa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdifataax Qaasim ku wehlinaayay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya…

Booliiska gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay Shabakad si sharci darro ah ku buufineysay Bajaajyada

Talaado, April, 23, 2024 (AX) - Ciidanka Boliiska gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad ku eedeysan iney si sharci darro ah u buufinayeen Mooto Bajaajyada Muqdisho uga dhex shaqeysta magacyada kala ah A iyo B. Howlgal qorsheysnaa oo ciidanka ay ka sameyeen degmada Xamar jajab ayay kusoo qabteen shabakadaan iyagoo ku howlanaa buufinta sharci darrada ah ee Bajaajyada oo horay amar culus ugu soo saaray maamulka gobolka Banaadir. "Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidanka Saldhigga…

Jabuuti oo dalkeeda ka masaafurineysa 16 Askari oo Itoobiyaan ah

Jimco - Dowladda Jabuuti ayaa dalkeeda ka musaafurineysa ilaa 16 Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaa oo sida la sheegay gacan saar dhaw la leh Jabhada difaaca Tigray-ga. Sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha Jabuuti 16 kan Askari oo ay ka mid yihiin Korneelo iyo Taliyayaal ayaa waxaa qabtay ciidanka ilaalada madaxtooyada kuwaa oo ku u gudbiyay xarunta hay'adda sirdoonka si baaritaan loogu sameeyo. Sida qorshuhu ahaa Askartan ayeey aheyd in laga masaafuriyo dalka Jabuuti Arbacadii toddobaadkan, si rasmi ahna looma oga in…

Uganda oo qeyb ka mid ah ciidamadeeda kala baxday Soomaaliya

Jimco, Dowladda Uganda  ayaa kala baxday Soomaaliya qeyb ka mid ah ciidamadooda ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM. Ciidamadan oo gaaray dalka Uganda ayaa tiradooda lagu sheegay 2,100,  iyadoo munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyay xalay xarunta Tababbarka Howlgallada Taageerada Nabadda (PSO-TC) ee degmada Nakaseke. ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada Difaaca Wilson Mbasu Mbadi ayaa soo dhaweeyay kaas oo ku hadlayay magaca abaanduulaha ciidamada difaaca, wuxuuna ku yiri: “Si sharaf leh ugu soo dhawaada dalkiina…

Turkiga oo bixiyay qeyb ka mid ah deynta Soomaaliya ay ku leedahay IMF

Jimco- Turkiga ayaa siiyay ku dhowaad 3.4 milyan oo deyn ah oo Soomaaliya ay ku leedahay Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF), iyada oo qayb ka ah dadaallada la bilaabay horaantii sanadkan si looga cafiyo deymaha culus ee dalalka dakhligoodu hooseeyo. Sida ku xusan Heshiiska Caalamiga ah ee la soo saaray 5-tii Nofeembar, Turkiga wuxuu ugu deeqay Soomaaliya ilaa 3.4 milyan oo doollar oo loogu talagalay barnaamijka IMF ee Wadamada Saboolka ah (HIPC). Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dhow iyo iskaashi tan…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More