Xog: La-taliyaha Farmaajo Cabdi Cali Raage oo laga celiyay g…

Kismaayo (Axadle) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegaya in saaka garoonka diyaaradaha Kismaayo laga celiyey Cabdi Cali Raage oo ah shaqsi si weyn ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saraakiil sarre oo ka tirsan garoonka Kismaayo ayaa Axadle u sheegay in Cabdi Cali Raage lagu celiyey amar kasoo baxay madaxda sare ee Jubaland, kadib markii uu diyaarad kasoo raacay Caasimadda Muqdisho.

Cabdi Cali Raage oo kal hore soo noqday La-taliyaha sarre ee madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa muddooyinkii dambe uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay Axmed Madoobe, kadib markii uu ku dhowaaday madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday.

Waxaa la rumeysan yahay in Raage uu qeyb ka ahaa xubnihii udub dhexaadka u ahaa khilaafkii Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ee curyaamiyey qabsoomida doorashada.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta Cabdi Cali Raage looga celiyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana xusid mudan in weli ay xiisad kala dhaxeyso madaxda sarre ee Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ku sugan ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta oo asagu gaaray shalay, si loo dar-dar geliyo arrimaha doorashooyinka iyo xal ka gaarista khilaafka mudada dheer ka taagna gobolka Gedo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More