RASMI: PSG Oo Ku Dhawaaqday Saxeexa Sergio Ramos & Hadaladii Ugu

Kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa kabtankii hore ee Real Madrid ee Sergio Ramos kaas oo ka helay heshiiskii uu ka waayay kooxdiisii hore.

Shalay ayay ahayd markii Website-ka rasmiga ah ee PSG uu shaaciyay in Ramos uu xidhan doono No.4 balse kooxda ayaa warkaas masaxday kahor inta aysan haatan rasmi ugu dhawaaqin saxeexiisa.

Wadahadalada maalmihii ugu dambeeyay u socday Paris iyo shaqsiyaadka wakiilka u ah Sergio ayaa kusoo dhammaaday heshiis laba sano ah oo gaadhsiisan ilaa 2023 oo uu 35 sano jirkaasi u saxeexay PSG waana tirada sanadihii ay Madrid u diiday.

Shalay oo Arbaca ah ayay ahayd markii daafaca ree Spain uu u duulay magaalada Paris isaga oo isla markii uu cago dhigtay halkaas gaadhay American Hospital oo uu tijaabada caafimaadka ku maray kahor inta aan loo qaadin xafiisyada kooxda oo uusan heshiiska saxeexin.

Ramos oo markii ugu horreysay isaga oo ciyaartoy PSG ah hadlay ayaa sheegay inay u tahay isbedel weyn oo noloshiisa ah isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu mashruuca hanka sarre ah ee kooxdaas ka qayb yahay.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Paris Saint-Germain kusoo biiro, kani waa isbedel weyn oo naftayda ah, loolan cusub waana maalin aanan waliga ilaawi doonin”

“Aad ayaan ugu han weynahay inaan mashruucan hammiga badan qayb ka noqdo, inaan qayb ka noqdo safkan ciyaartoyda badan ee waaweyn leh, Paris Saint-Germain waa koox xilli horeba isku caddaysay heerka ugu sarreeya”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More