Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo marti ku ahaa barnaamijka Doodsan ayaa ka hadlay doorashooyinka dalka iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalka kala duwan.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka uu joogo 2016, maadaama dowladda Federaalka ay ku fashilantay in dib loogu celiyo doorashada dadban.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in uusan jirin isbadal siyaasadeed oo la taaban karo oo ku yimaada doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya oo xitaa aanan hubin sida ay ku dhaceyso iyo waqtiga ay dhaceyso sida uu yiri.
Halkii sanadkii 2016 ay aheyd dowlad ayeynu joogna, dastuur, nidaam doorasho, iyo cadaalad, siyaasad la taaban karo lama gaarin ama lagama qaban halkii waaye, nuxur siyaasadeed oo weyn kuma jirto in dib loogu laabto doorasho dadban oo la kordhiyay dadka ka qaybgalaya” Sidaas waxaa yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Musharax Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa su’aal ka keenay odayaasha dhaqanka ee ay la tashanayaan guddiga doorashada, maadaama aysan kala caddeyn inay yihiin saxiixayaasha dastuurka iyo in kale.
Wuxuu tilmaamay in doorashada dadban aysan socodsiin la’yihiin dowladda Federaalka, sababo la xiriira nidaamka maamul ee la isku haysto iyo dib u dhaca siyaasadeed ee muuqda sida uu hadalka u dhigay.
“Doorashadii la huri-waayay ayaa la socodsiin la’ yahay, haddii ay socon lahayd maba qiimeyn lahayd balse shaqadu ma socoto, annagu waxa aan ku dadaalnay 2016-kii in la helo tixraac tusaale, Odoyaasha dhaqanka oo aan dhahnay waa in ay noqdaan 135-Oday wixii ka nool, halka kuwa dhintay la buuxinayo, balse Dowladdu sidaas uma caddeyn” . ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh Maxamuud oo xubin ka ah Midowga Musharaxiinta Hogaamiyaha ayaa ka horyimid qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada ka dib markii la sheegay inay ku jiraan shaqsiyaad ka tirsan Nabadsugida iyo Madaxtooyada, taasoo ah mid aan dastuurka waafaqsaneyn.