UK oo taageereysa howlgal dib loogu furayo wadada isku xirta

Magaalada Baydhabo waxaa kulan looga hadlay Ammaanka Deegaannada DG Koofur Galbeed ku yeeshay Saraakiil ka kala socotay qaybta 60-aad ee CXDS, Daraawiishta, Wasiirada Amniga & Arrimaha Gudaha, waxaana taageeraya Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya.

Saraakiisha kulanka ka qaybgashay ayaa soo jeedisay qorshaha Ciidan ee lagu qaadi karo go’doonka Degmooyinka ay ku jiraan iyo isu socodka waddooyinka ee u go’ay qaraxyada & weerarada Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DG Koofur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi oo Warbaahinta hadal siiyay ayaa sheegay marka hore lagu dhaqaaqayo howlgal lagu furayo waddada isku xirta Baydhabo & Daynuunaay.

“Safaaradda Ingiriiska ayaa Wasaaradda Arrimaha DG Koofur Galbeed ka gacansiineysa bixinta waxyaaha lagu suuragelin karo xasiloonida, halka Ciidamada qaybta 60-aad ee Xoogga dalka ay mas’uuliyad iska saareen sugidda amniga, qorshaha socda waa in Daynuunay & Baydhabo nabad la isaga kala gudbo, waxaana xiga Muqdisho & Baydhabo” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha DG KGS.

Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa dhowr ballanqaaday in la bilaabayo howlgal ka dhaca wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo.

Mas’uuliyiinta & shaqsiyaadka qaar ayaa diyaarad isaga kala gudba Muqdisho & Baydhabo, maadaama duruufaha amniga aysan suuragelineen in ay ku safraan jidka dheer ee isku xira labadaan Magaalo.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More