Jose Mourinho Oo Magacaabay LIXDA Kooxood Ee Koobka

Tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho ayaa magacaabay lixda kooxood ee hanashada koobka horyaalka Premier League ku tartamaya xili ciyaareedkan, xilli ay kooxdiisu kaalmaha sare cidhiidhsatay.

Macallinka reer Portugal oo warbaahinta la hadlay xilli natiijooyin qaarkood layaab lahaayeen kasoo baxeen kulamadii ugu dambeeyey ee horyaalka, isla markaana hoggaanka lagala wareegay Liverpool oo ay kaalinta saddexaad u dhacday, sidoo kalena ay Man City iyo Man United meelo hoose ku jiraan.

Saadaasha horyaalka Premier League ayaa sannadkan si weyn uga beddelan kuwii hore, waxaana kooxda difaacanaysa horyaalku ay la kulantay guul-darro madax-xanuun ahayd oo 7-2 ay kusoo garaacday Aston Villa, sidoo kalena Man City ayaa lagu karbaashay 5-2.

Kooxaha Arsenal, Chelsea iyo Manchester United ayaa iyaguna dhibaatooyin dhexda kaga jira, isla markaana natiijooyinka ay ka keeneen ay yihiin kuwo ka hooseeya wixii laga filayay.

Leicester City ayaa si lama filaan ah hoggaanka horyaalka kula wareegtay, sidoo kalena Southampton ayaa usbuucii ka horreeyey hoggaanka haystay.

Tottenham ayaa si buuxda kaalinta labaad ugu fadhida waqtigan, waxaanay dhinaca dhibcaha isku mid ka yihiin Liverpool oo ay kaga horreeyaan farqiga goolasha, halka Southampton ay afraad fadhido.

Jose Mourinho oo warbaahinta la hadlay ayaa  meesha ka saaray in xili ciyaareedkani uu noqon doono tartan u dhexeeya laba faras sidii uu sannadihii ugu dambeeyey soo ahaa, waxaanu shaaciyey magacyada lix kooxood oo ku tartami doona.

“Waxaan idiin sheegayaa in kooxdan Tottenham ay horyaalka ka noqon lahayd dalal badan oo Yurub ah. Laakiin Premier League ayaa ah midka ugu adag, sababtoo ah, Premier League waxaad samayn kartaa xili ciyaareed wanaagsan, waxaad urursan kartaa dhibco badan, laakiin dhamaadka …. Liverpool, Man City, Chelsea, Man United, Leicester, Arsenal.”

Intaa kaddib waxa uu tababaraha reer Portugal sharraxay caqabadaha kooxdiisa horyaalla, waxaanu yidhi: “Sidaa darteed, adiga oo xili ciyaareed wanaagsan soo qaatay ayaanad horyaalka noqonayn. Maxaynu samayn karnaa? Waxaanu u soconaynaa ciyaarba ciyaarta xigta. Waxaanu isku daynaa inaanu guuleysano, danna kama gelayno kooxaha kale.

“Waxaan idiin ballan-qaadayaa in aanan ka walaaci doonin Leicester v Wolves ama City v Liverpool. Haddii Liverpool ay guuleysato, sababtu waa in City ay dhibco iska lumisay. Haddii Leicester ay guuleysato, sababtu waa in Wolves ay dhibco lumisay. Sidaa darteed aniga ima khusayso, kaliya waxaan doonayaa in kooxdu ay ciyaarto kulanba kulanka xiga, dhamaadka xili ciyaareedkana aanu eegno halka aanu ku jirno.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More