Manchester United Oo Doonaya In SADDEX Ciyaartoygeeda Ka

Manchester United ayaa la sheegay inay danaynayso in saddex ka mid ah ciyaartoygeedu ay ka baxaan Old Trafford marka la gaadho suuqa jiilaaka ee bisha January.

Laacibiintan ayuu warku sheegay in loo dirayo kooxo kale oo ay kusoo qaadan doonaan waqtiyo amaah ah, si ay usoo helaan khibrad iyo waqti ciyaareed oo kobciya tayadooda iyo aqoontooda ciyaareed.

Labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee da’yarta ah ee Ethan Galbraith iyo Arnau Puigmall iyo difaaca Ethan Laird ayay Red Devils qorshaynaysaa inay bisha January ku bixiso amaah.

Ethan Galbraith

Sida uu qoray wargeyska MEN, saddexdan ciyaaartoy oo dhamaantood ay da’doodu tahay 19 jir ayaa xagaagii tegay loo doonayay inay amaah ku baxaan balse waxay sii joogeen United iyadoo sababta ugu weynna ay ahayd inay jireen dhaawacyo ka hor joogsaday naadiyada kale inay la saxeexdaan.

Laird iyo Puigmall ayaa labaduba qabay jugto waqtiyadii uu suuqa iibku sii xidhmayay, gaar ahaan bishii October ee qorshuhu ahaa in loo ogolaado inay amaahda ku baxaan, halka Galbraith uu isagu garoomada ka maqnaa labadii bilood ee September iyo October.

Labada da’yar ee khadka dhexe ee Galbraith iyo Puigmal ayaa u saftay kooxda dhallinyarada Man United ee U23 ee guulaha kasoo hooyey kulamadii xidhiidhka ahaa ee Everton iyo Brighton, iyadoo ciyaartii Toffees na uu Galbraith waqtigii dhamaadka dhaliyey goolka guusha, halka Puigmall oo Spain u dhashay, boosas badanna ka ciyaara uu isaguna gool dhaliyey mid kalena caawiyey ciyaartii West Sussex ay ku garaaceen 5-2.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa saddexdan ciyaartoyba u ogolaaday inay tababarka la qaataan kooxda koowaad, iyadoo uu kulamadii Europa League ee xili ciyaareedkii horena kusoo darsaday kooxdiisa koowaad.

Manchester United ayaa xagaagii dhowaa waxay amaah ku bixisay ciyaartooyo badan oo da’yarteeda ah, sida James Garner, Dylan Levitt, Aliou Traore, Matej Kovar, Di’Shon Bernard iyo Max Taylor, kuwaas oo kusoo laaban doona iyagoo soo helay waqti ciyaareed iyo farsamo ka caawin karta inay qayb ka noqdaan kooxda koowaad.

Galbraith ayaa dhowaan u saxeexay Manchester United heshiis cusub oo socon doona illaa 2023, waxaana da’yarkan reer Northern Ireland uu qayb ka ahaa xiddigihii kooxda waaweynka ee kulankii Europa League ee Astona ee xili ciyaareedkii hore, halka Laird uu isagu kasoo muuqday dhawr kulan oo kooxda hore, isagoo beddel kusoo galay kulankii Manchester United ay 4-0 ku xasuuqday AZ Alkmaar xili ciyaareedkii hore tartanka Europa League.

Puigmall oo dhawr boos oo dhexda ah ka ciyaari kara ayaan wali u safanin kooxda koowaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More