Turkigu ma waxa uu Taageerayaa Ololaha doorashada ee MW

Dhowr tallaabo oo is xigay oo amni, siyaasad iyo dublamaasiyadba isugu jiray oo ay qaadday dowladda Turkigu  qaadday labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa abuuray shaki weyn oo ah in turkigu taageerayo madaxweynaha uu xilligiisu sii dhamaanayo.

La kulanka guddiga lagu muransan yahay ee doorshada:

Safiirka Muqdisho u fadhiya dowladda Turkiga Mehmet Yılmaz ayaa noqday dublamaasiga kaliya ee ku dhiirraday la kulanka guddiga doorashada lagu muransan yahay ee qabyada ah ama kala dhimman, taas oo loo fasirtay in ay ka dhigan tahay oqoonsi iyo in  dowladda Turkigu qayb katahay muranka la xiriira doorashada Soomaaliya 201

Tallaabada ay qaadday Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdihso ayaa u muuqata mid si cad uga hor imaanaya go’aanka beesha caalamka ee ah in xal wadar-oggol ah laga gaaro habraaca iyo maamulka doorashada ka hor inta aan guddiyo la magacaabin.

Midowga Musharrixiinta oo intooda badan Turkida u arka dal dhexdhexaad ka ah siyaasadda Soomaaliya, xiriir wanaasanna la leh qeybaha kala duwan ee Saamileyda siyaasadda Soomaaliya ayaa qoraal diginin ah oo ay soosaareen waxa ay ku sheegeen sida ay uga xun yihiin tallaabada Safaaradda Turkiga oo diblomaasiyiin Soomali iyo Turki ah u arkaan mid qar-iskaxoornimo ah oo dhaawaceysa danaha Turkiga Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Afrika.

Cemalettin Kani Torun Danjirihii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomalaiya  ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray “Wax aan ka rejeynayaa madaxweyne Farmaajo in uu muujiyo biseylkii siyaasadeed ee ay muujiyeen MW Shariif Sh. Axmed & MW Xasan Sheekh doorashooyinkii 2012 & 2016, Soomaaliya waxa ay u baahan tahay Tanaasul & isugaraabid ee uma baahna kala adkaansho“.

Hubeynta Ciidanka Haramcad xilliga doorashada:

Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Reuters dowladda Turkiga ayaa qorsheynaya in uu ciidanka Haramcad ugu deeqo 1000 Qori oo ah nuuca boobayaasha ah iyo 150,000 oo Rasaas ah 18- December 2020, Qoraal cabasho oo xambaarsan cabsida laga qabo in hubkaasi geysto haddii uu dalka yimaada ayaa midowga musharixiintu waxa uu u diray Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, Midowga musharixiinta ayaa ka codsaday Turkiga hakinta shixnaddan hubka ah inta Waddanku kabaxayo xaaladda adag iyo khilaafka kataagan Doorashooyinka 2021

Guutada Gorgor oo katirsan ciidanka Xoogga Dalka ee Turkigu ka taageero dhinacyada tababarka iyo Qalabeynta kuna tababartay xerada Turkisom ayaa qeyb weyn ka noqotay muranka doorshada, taasina waxa ay soo shaacbaxday markii xukuumaddu geysay gobolka Gedo kadibna guutada Gorgor ay dagaal ku qaadday ciidanka DG Jubaland iyada oo gacanta Jubbaland ka saartay gobolka Gedo.

Dhanka kale horraantii December-2020 dowladda Federaalka ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug waxa ay u daabushay 3 diyaarad oo sidday

boqollaal ciidankan ka tirsan ciidanka Gorgor, sababta xukuumaddu ay Dhuusamareeb ugu daabuleyso ciidanka waxa ay Wasiiro katirsan Galmudug ku sheegeen  in ay tahay Arran la xiriirta doorashada.

Ciidanka Haramcad ee ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo Turkiga ka taageero tababarka, Tayeynta  iyo saanadda ayaa isna kuleh muran la xiriira doorashada, sidaasna waxa sheegay xubno katirsan Musharixiinta oo jidadka gala xarumahooda la duldhigay ciidan.

Haddaba dhammaan Dhacdooyinkaasi  waxa ay shaki iyo mad-madow gelinayaan dhexdhexaadnimada Turkiga ee arrimaha doorashooyinka  Soomaaliya sidaas oo kalana waxa ay su’aal duldhigayaan siyaasadda dhib la’aanta ee ay ku dhaqanto xukuumaddu Turkigu!

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More