LAYAAB: Thomas Tuchel Oo Magacaabay Xiddig Sidii ‘Eey’ Oo Kale Ugu

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xalay awood u yeeshay in markii labaad uu garaaco Pep Guardiola iyo kooxdiisa Manchester Metropolis muddo laba toddobaad gudahhood ah, waxaana iyadoo gool lagala hormaray ay haddana Blues guushu ku raacday 2-1.

Goolasha Chelsea ayay dhaliyeen Hakim Ziyech iyo Marcos Alonso qaybtii labaad, waxaanay sidaas meesha kaga saareen goolkii Metropolis uu qaybta hore u saxeexay Raheem Sterling.

Timo Werner oo Arbacadii gool ka dhaliyey Actual Madrid ayaa kusoo bilowday kulankan, laakiin waxa uu mar kale ku guul-darraystay in uu shabaqa soo taabto.

Laacibka reer Germany ayaa dhaliyey 12 gool dhamaan kulamadii uu Chelsea u ciyaaray xilli ciyaareedkan, taas oo ka dhigan in uu aad uga hooseeyo heerkii uu taagnaa waqtigii uu RB Leipzig joogay oo xilli ciyaareedkii ugu dambeeyey uu usoo dhaliyey 34 gool.

Tababare Thomas Tuchel ayaa laacibkan ay isku waddanka yihiin oo goolal la’aani hayso siiyey kalsooni uu ugu soo bilowdo kulan kale oo muhiim u ahaa kooxda, waxaana markii ay ciyaartu soo dhamaatay uu sheegay in uu aad ugu qanacsan yahay dedaalka iyo shaqabada badan ee uu qabanayo Werner, isagoo ku tilmaamay in uu sida ‘eeyga’ oo kale u shaqeeyo.

“Toddobaadkii hore wuxuu si fiican ayuu Werner ula qabsaday xaaladaha.” Ayuu yidhi Tuchel oo BBC Sports activities la hadlayay kaddib guushii ay xalay ka gaadheen Man Metropolis.

Waxa uu intaa ku daray: “Wuxuu u shaqeeyaa si daal la’aan ah. Dhab ahaantii wuxuu doonayaa in uu ciyaaro, aniguna aad ayaad ugu faraxsanaa bandhiggiisa maanta.”

Telefishanka Sky Sports activities ayaa isaguna makarafoonka hoos dhigay Tuchel, waxaanu wax ka weydiiyey Timo Werner, waxaanu ku jawaabay: “Werner waxa uu u shaqaynayaa sida ‘eey’ oo kale, dhab ahaantii si adag ayuu u shaqaynayaa. Orodkiisa ayay ku dhibaatoodeen (Man Metropolis).”

Chelsea ayaa haysata fursad ay kulankii saddexaad oo xidhiidh ah ugu garaaci karto Manchester Metropolis, waxaanay Could 29 ku ballansan yihiin finalka Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More