Hordhac: Actual Madrid vs Sevilla – Los Blancos Oo Hoggaanka Horyaalka

Actual Madrid ayaa hoggaanka u qaban doonta horyaalka waddanka Spain ee LaLiga haddii ay caawa guul ka keento kulanka adag ee ay garoonkeeda ku qaabbilayso SevilLA.

Los Blancos oo hadda ku jirta kaalinta saddexaad ayaa fursad ka heli karta Barcelona iyo Atletico Madrid oo xalay barbarro galay, waxaanay isku dhibco noqon doonaan Atletico iyadoo Actual ay hoggaanka la wareegi doonto.

Shuruudda kaliya ee kaga xidhan in Actual Madrid ay horyaalka hoggaanka u qabato xilli saddex ciyaarood oo kali ahi hadhsan yihiin, waa in ay caawa guul ku gaadho garoonkeeda Stadio Alfredo Di Stefano, kulamada xiga ee saddexda ahna ay sii wadato guusha si ay horyaalka ugu guuleysan karto.

Laakiin Sevilla oo kaalinta afraad fadhida iyadoo afar dhibcood ka hoosaysa Actual Madrid, ayaa waxay halgan u gelaysaa sidii ay saddexda dhibcood uga qaadan lahayd Los Blancos oo dhaawacyo kala daadiyeen, taas oo haddii ay dhacdo dhaawac weyn gaadhsiin doonta fursaddii ay Actual Madrid ugu guuleysan lahayd horyaalka ee ay xalay siiyeen Barca iyo Atletico.

Zinedine Zidane iyo xiddigihiisa ayay ciyaartani ugu soo beegantay xilli ay guul-darro kasoo gaadhay tartanka Champions League oo ay Chelsea kusoo garaacday 2-0, laakiin waxay daliil ka dhiganayaan in horyaalka LaLiga aan hal marna laga badinin tan iyo January 30 oo ay guulo iyo barbarro uun wadeen.

Tababaraha reer France iyo xiddigihiisa ayaa ogsoon, in afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay iska hor yimaaddeen Sevilla ay guuleysteen, sidoo kalena uu horyaalku ku jiro lugtooda iyo natiijooyinka ay keenaan.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Actual Madrid vs Sevilla

Tartanka: Horyaalka Spain ee LaLiga

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Alfredo Di Stefano

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Actual Madrid ayaa liiska xiddigaheeda shalay laga saaray Sergio Ramos oo dhaawac cusub uu kasoo gaadhay muruqa iyo Ferland Mendy, waxaanay ku biirayaan Lucas Vazquez, Dani Carvajal iyo Raphael Varane oo hore usii maqnaa.

Laakiin warka wanaagsan ayaa waxa uu yahay in Federico Valverde iyo Vinicius Junior oo seegay tababarkii Jimcihii ay Sabtidii tababarka qaateen, taamna u yihiin kulankan.

Marcelo ayaa rajaynaya in uu buuxiyo booska uu ka dhaawacmay Mendy, sidoo kalena Alvaro Odriozola ayaa kusoo bilaaban doona difaaca midig, balse Eden Hazard oo bandhig liita la yimid ciyaartii Chelsea ayaa isaguna kasoo hormari doona Vinicius Junior oo shaki la gelinayo taam ahaanshihiisa.

Dhinaca kale, Sevilla ayay usoo laabteen Joan Jordan, Jules Kounde iyo Youssef En-Nesyri oo dhaawacyo fudud qabay.

Tababare Julen Lopetegui oo hore u maamulay Actual Madrid ayaa shax adag garoonka kusoo geli doona, waxaana la saadaalinayaa in Jesus Navas iyo Marcos Acuna ay dhamaystiri doonaan qaba 4-3-3 ah oo Sevilla kusoo geli doonto.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Actual Madrid: Courtois; Odriozola, Militao, Nacho, Marcelo; Modric, Casemiro, Kroos; Hazard, Benzema, Asensio

Sevilla: Bounou; Navas, Kounde, Carlos, Acuna; Rakitic, Fernando, Jordan; Suso, En-Nesyri, Ocampos

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More