Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: China Seeks Share of East African Trade as Kenya, Somalia Deepen Ties
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Qaybo badan oo kamid ah Dalka waxaa ka socda abaabulka

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Banaanbax ka dhan ah Hogaamiyaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa laga qaban-qaabinayaa Magaalooyinka Muqdisho, Cadaado, Gaalkacyo iyo meelo kale oo katirsan Gobollada Dalka.

Culimada & qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa abaabulay isu soo baxaan looga dhiidhinayo eedeynta & Aflagaadada Muslimiinta iyo nabi Muxamed NNKH uu u geystay Hogaamiyaha Faransiiska.

- Advertisement -

Hay’adda Culimada ayaa bogaadisay in la cadaadiyo wadanka Faransiiska oo caadeystay wax ka sheegga Diinta Islaamka & soo bandhigista sawirro lagu aflagaadeynayo Nabigeena Muxamed NNKH.

Waxaa la diyaariyay Goobo ay isu-tagayaan dadka dibadbaxa sameynaya, boorar lagu qoray sawirka Hogaamiyaha Faransiiska iyo hal ku dhigyo lagu muujinayo xad-gudubka madaxweynaha faransiiska.

Dhowr dal oo kamid ah Waddamada Islaamka ayaa joojiyay iibsashada waxsoosaarka Faransiiska sabab la xiriirta ficilka gardarada ah ee uu sameeyay Hogaamiyaha Dalkaas Emmanuel Macron.

Dalalka ugu badan ee ka dhiidhiyay aflagaalada Macron waxaa kamid ah:  Turkiga, Indonesia, Ciraaq & kuwo kale, Hogaamiye Erdogan ayaa hoggaamiyaha France ku tilmaamay nin waalan oo u baahan in la geeyo dhaq-dhaq dhanka Maskaxda ah.

Dhanka kale, Faransiiska ayaa muwaadiniinta uga digay in ay safar galaan iyaga oo aan laga war heyn sabab la xiriirta colaadda uu beeray Macron oo lagu bartilmaameedsan karo sida digniin ay soosaareen safaaradaha dalkaas ee waddamada qaar ku sheegeen.

Axadle.

How do you rate this story?

0 votes