Haweenka oo 5-xubnood laga siiyay 90-ka Xildhibaan ee

Magaalada Jowhar waxaa xalay looga dhawaaqay liiska & magacyada Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka labaad DG Hir-Shabeelle oo lagu qaybiyay hab-qabsiga beelaha Hiiraan & Shabeelaha Dhexe sida xubnaha Guddiga farsamadu ay sheegeen.

Liiska waxaa dib ugu soo laabtay qaar kamid ah Xildhibaannada shaqeynayay 4-tii sano ee lasoo dhaafay, halka laga waayay xubinnimada Baarlamaan Guddoomiye Cismaan Barre & Maxamed Xuseen Geedi oo ku xigeen u ahaa.

Guddoomiye ku xigeenkii Baarlamaanka Waqtisiiu dhamaaday 7-dii Oktoobar 2020 Canab Axmed Ciise ayaa dib u heshay Xildhibaannimadeeda, waxaana ay shaneysay afar dumar oo baarlamaanka lagu soo daray.

Hogaamiyaha waqtigiisu dhamaaday 17-kii Oktoobar 2020 ee Maxamed Cabdi Waare oo horay u magacaabay Guddigaan farsamo ayaa kahor yimid tallaabadii 1-aad ee Guddiga kadib markii uu shaaciyay jadwalka xareynta Ergada & ku dhawaaqista Baarlamaanka labaad.

Waare ayaa sheegay in uu qabyo yahay Guddiga, maadaaama liiska haweenka aan ku jirin, markii uu magacaabista sameynayay waxaa ka dhega fureystay xubnaha Guddiga oo guda-galay howshooda.

Dhismaha DG Hir-Shabeelle waxaa hareeyay Buuq dhanka siyaasadda ah, Magaalada Jowhar waxaa tagtay Ergo kooban sida Axadle ay kasoo ilo kala duwan oo ku kala sugan Jowhar & Baladweyne.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More