Browsing Category

Somalia

Somalia news, politics, security, diplomacy, and public affairs from Axadle, with breaking updates and analysis from Mogadishu and across the country.

Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo Taageera dhaqaale u dalbday

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Itoobiya Axmed Shide ayaa ka hadlay saameynta dhaqaale ee laga dhaxlay Dagaalka Ismaamulka Tigray & Ciidamada Federaalka & kaalmada ay u baahan tahay Dowladdiisa. Axmed Shide oo Warbixin siinayay Guddiga Fulinta ee Iskaashiga Horumarinta ayaa sheegay in dhibaatooyin dhaqaale xumo, Xaalado Bani aadamnimo & raadinta nabadda aan looga maarmin Ismaamulka Tigray, kadib markii uu martigeliyay Howlgalka Sharci kusoo celinta…

Masar & Soomaaliya oo kawada xaajoonaya Xiriirka, Iskaashiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Carabta Masar Saamix Shukri ayaa si hordhac ah u faah-faahiyay kulan maanta oo Sabti ah uu la qaadanayo Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Soomaaliya Xasan Macalin Khaliif. Kulankaan ayaa yimid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in Xukuumadda Qaahira ay damacsan tahay in Turkiga ay ku colaadiso Soomaaliya iyada oo kaashaneyna Suudaan & Israel. Saamix Shukri ayaa sheegay in Dowladdiisu ay ka go’an tahay xoojinta Xiriirka…

Waa maxay Sababta Sacuudiga uu Teleefoonada ugu diiday

Muddo fog Xabsiyada Boqortooyada Sacuudiga waxaa caadi ka ahaa isticmaalka Teleefoonada Maxaabiista sugeysa in dib loogu celiyo (Tarxiilo) dalalkooda. Waxa ay xiriir fudud la sameynayeen ehelkooda & asaxaabta, iyaga oo la socda Baraha Bulshada. Boqortooyada ayaa ilaalada Xabsiyada gaarsiisay in ay Teleefoonada ka qaadaan dadka lagu soo qabto dambiyada kala duwan & kuwa sharci darrada ku jooga Sacuudiga kahor inta aan waddankooda la geyn. Marka la gaaro waqtiga la…

Golaha Wasiirada XFS oo fadhi ka leh Caqabadaha hortaagan

Golaha Wasiirada XFS ayaa maanta fadhi gaar ah ka leh Xaaladda dalka gaar ahaan Habka looga gudbi karo caqabadaha hortaagan Doorashada Soomaaliya 20/21 sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo. Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Bishii September 2020 ballanqaaday in doorashada waqtigeeda ay ku dhacdo & October oo ay Xoojisay Xukuumadda fulinta jadwalka Doorashada 20/21 ayaa iska xog wareysanaya caqabadda hortaagan. Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dhageynsaya…

Trump oo ku adkeystay in uu saarayo Ciidamada ka jooga

Donald J. Trump madaxweynaha 45aad ee Mareykanka Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in ay soo gaartay wargelin dhaqan amar Hogaamiye ay kasoo gaartay Hogaamiyaha Xilka kasii degaya Donald oo ah in Soomaaliya laga saaro Ciidamada Ameerikaanka ah ee Jooga. Hogaamiye Trump oo Xafiiska wareejinaya 20-ka Janaayo 2021 ayaa damacsan in Soomaaliya uu ka saaro 700 Askari marka la gaaro 15-ka Janaayo 2021 oo ah Shan cishe kahor xil wareejintiisa. Trump ayaa damacsan in uu geeyo…

“Xasaanad ka qaadista nalagu sameeyay waa Shirqool uu dhigay

Cabdijamaal Cismaan Maxamed waxa uu kamid ahaa 8-Xildhibaan oo katirsan Golaha Wakiilada DG Puntland oo Xasaanadda laga qaaday 3-da December 2020 kadib markii lagu eedeeyay arrimo dhowr ah sida is hor istaag shaqo. Wixii ka dambeeyay go’aaankaas waxaa laamaha ammaanka DG Puntland la amray in ay xiraan ama meel isugu geeyaan 8-da Xildhibaan ee waayay Xasaanaddooda si loo baaro dacwadda lagu soo oogay. Cabdijamaal oo Warbaahinta la hadlay ayaa iska fogeeyay eedeynta loo cuksaday…

“Dhammeystirka Dastuurka waxaa hortaagan Saddex arrimood”

Wasiirka Dastuurka XFS Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa soo bandhigay caqabadaha hortaagan qabyo-tirka Dastuurka KMG ah & kaalinta DFS & Dowlad Goboleedyada. Saalax ayaa sheegay in Magaalooyin kala duwan oo Xarumo rasmi & KMG u ah Dowlad Goboleedyada in Wasaaraddiisu ay u tagtay soo uruurinta Caqabadaha hortaagan qabyo-tiro Dastuurka & Aragtida laga qabo. Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa…

Bilowgii Askarta Mareykanka ee soo gelista Soomaaliya oo

Waxaa u dhimanaa labo bil oo keliya, waxa uu qaatay go’aan uu Soomaaliya ugu soo dirayo Ciidamo gaaraya 28,000 oo ah kuwa Badda, sababtu ugu weyn ee go’aankaas dhalisay waa xaaladda Soomaaliya oo aan hagaagsaneen. 4-ta December 1992-dii, Madaxweynihii 41-aad ee Mareykanka ayaa qaatay go’aan qaraar oo ciidamo ugu soo diray Soomaaliya si loo badbaadiyo dalkaan dhaca geeska Afrika oo 1991-kii waayay nidaamkii Dowladda. George Herbert Walker Bush ayaa caalamka u bidhaamiyay in aan…

“Shiinuhu Sababta uu u noqday cadawga 1-aad ee Mareykanka

John Ratcliffe oo ah sarkaalka ugu sarreeya Sirdoonka Mareykanka oo Warbixin siiyay Wargeyska Wall Street Journal waxa uu daaha ka qaaday sababta Shiinaha uu u noqday cadawga koowaad ee Mareykanka. Qoraalka uu daabacay John oo aad u dheeraa waxa uu dul istaagay ogaantiisa & macluumaadka kale uu hayo ee sababta ka dambeysa in Xukuumadda Washington ay u colaadiso isla markaana isaga ilaaliso Xukuumadda Beijing. Sarkaalka ugu sarreeya Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in…