Maxkamadda CQS oo xukun ku ridday Askar loo heysto Kufsi,
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku ridday saddex Askari oo ku eedeysan Afduub, Kufsi, Dil & ku gacansiinta kiiskaan sida ay fadhiga kahor sheegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda Militariga.
Dhageysiga Dacwadda saddexda eedeysane ee ka kala tirsan Booliiska & Militariga Soomaaliya ayaa heerar kala duwan soo martay, waxaana maxkamadda la horgeeyay qoriga lagu dilay AUN Ismahaan Bakaal Maxamed.
Xiddigle Xoogga Nuur Aadan Rashiid (Madoobe)
Xiddigle Xoogga Nuur Aadan Rashiid (Madoobe) waxa uu ku eedeysan yahay Afduubka, Kufsiga & dil uu u geystay Ismahaan Bakaal Maxamed, Saddex xarigle Xoogga Maxamed Maxamuud Buulle waxaa loo heystaa in uu gacan ku dhiiglaha siiyay qoriga uu falkaas ku geystay & Dable Booliis Salaad Xareed Cali oo loo qabtay kiis dacweedkaan.
Saddex xarigle Xoogga Maxamed Maxamuud Buulle
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad qaybta 27-aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan oo ku dhawaaqay xukunka ku dhacay Raggaan ayaa sheegay in la dhageystay 4-marqaati, isla markaana loo gudbiyay warqadda caddeyneysa kufsiga Ismahaan & guriga lagu dilay.
Dable Booliis Salaad Xareed Cali
Gaashaanle Maxamed Amiin ayaa sheegay in Maxkamadda Ciidamada qalabka qaybta 27-aad ay xukuntay saddexda eedeysane oo lagu heley kiis dacweedka Xeer ilaalinta Maxkamadda ay kasoo gudbisay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad qaybta 27-aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan
Xiddigle Xoogga Nuur Aadan Rashiid (Madoobe) oo ah Ninka afduubka, Kufsiga iyo dilka u geystay Ismahaan Maxamed Bakaal waxaa lagu xukumay Dil toogasho ah, waxaana lagu xayuubiyay darajada ciidan, halka laga saaray kamid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Xeer Ilaalinta Maxkamadda CQS qaybta 27-aad
Saddex xarigle Xoogga Maxamed Maxamuud Buulle oo lahaa qoriga lagu dilay Marxuumadda ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi ciidan ah, halka dambi lagu waayay Dable Booliis Salaad Xareed Cali oo dambiga lagu eedeeyay lagu waayay sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad CQS qaybta 27-aad.
Axadle.