Liverpool Oo Heshay Difaac, Chelsea Oo Lagu Haysto Laacib 18
Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.
Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.
Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.
Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Isniin ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.
Ruug-caddaaga khadka dhexe ee reer Germany ee Sami Khedira oo 33 jir ah ayaa sheegay inay dookh furan u tahay inuu u dhaqaaqo horyaalka Premier League marka uu dhamaado qandaraaskiisa Juventus xagaagan. Waxa kale oo uu qiray inuu wali xidhiidh la leeyaya Carlo Ancelotti iyo Jose Mourinho. (ZDF)
Goolhayaha AC Milan ee Gianluigi Donnarumma ayaa heshiiskiisa kooxdiisu uu ku egyahay xagaaga 2021 ee foodda inagu soo haya, laakiin goolhayaha 21 jirka ah ayuu wakiilkiisu la hadli doonaa kooxda, waxaanay sababtu tahay inuu doonayo inuu sii joogo kooxdan waqti dheer. (Football Italia)
Liverpool ayaa lala xidhiidhinayaa difaaca Ajax ee Perr Schuurs oo 21 jir ah laakiin Reds ayaan wali wax dalab ah ka gudbinin laacibkan reer Netherlands. (Voetball Primeur)
West Ham iyo Chelsea ayaa isku haysta difaaca bidix ee kooxda RB Leipzig ay amaahda kaga soo qaadatay FC Dordrecht ee Matthew Bondswell oo ah 18 jir u dhashay England. (Telegraph)
Arsenal ayaa dardar gelinaysa xiisaha ay u qabto difaaca RB Leipzig ee Ibrahima Konate, waxaanay rajaynaysaa inay bisha January lasoo wareegi doonto 21 jirkan reer France. (Todofichajes)
Manchester United ayuu tababaraheedu sheegay in aanu sii saadaalinayn ciyaartoyda baxaysa iyo kuwa imanaysa bisha January. (Evening Standard)
Xiddigaha khadka dhexe ee reer Spain ee Rigui Piug oo 21 jir ah iyo Carles Alena oo 22 jir ah ayaa waxay u dagaallamayaan mustaqbalkooda Barcelona iyadoo uu sidoo kale Martin Braithwaite oo 29 jir ahi ku cidhiidhinayo fursadahooda. (Marca)
Garabka weerarka reer France ee Florian Tauvin ayaa qirtay inay xidhiidh yeesheen agaasimaha farsamada AC Milan ee Paolo Maldini, xilli 27 jirkan uu xor ka noqon doono heshiiska uu kula jiro Marseille oo ku eg dhamaadka xili ciyaareedkan. (Football Italia)
Juventus waxay bartilmaameedsan doontaa difaaca Atletico Madrid iyo xulka qaranka Montenegro ee Stefan Savid oo 29 jir ah, si ay ugu xoojisato khadkeeda difaaca. (Calciomercato)
Difaacii hore ee Brazil ee Roberto Carlos ayaa shaaciyey heshiis uu sannadkii 2007 ugu biiri karayay Chelsea, laakiin waqtiyadii ugu dambeeyey uu heshiiskaasi burburay. (Goal)