Barcelona Oo Ciqaab Adag La Marsiin Doono Kaddib Garankii Uu
Barcelona ayaa ciqaab adag ku mutaysan doonta garankii uu Lionel Messi ku labbistay markii uu u dabbaal-degayay goolkii afraad ee uu u dhaliyey kooxdiisa, kaas oo ahaa mid uu ku maamuusayay halyeygii Argentina ee Diego Maradona oo geeriyooday.
Kabtanka Barcelona ayaa hoosta kasoo xidhay garanka kooxda Newell’s Old Boys ee uu hore u xidhan jiray Diego Maradona oo isagoo 60 jir ah geeriyooday Arbacadii dhoweyd, laguna aasay waddanka Argentina. Kaamiryooyinka iyo aragtida caadiga ah midkoodna ma dareemi karaynin in Messi uu garankan hoosta ka xidhan yahay, laakiin markii uu dhaliyey goolka afraad ee Barcelona kulankii shalay ay 4-0 ku xasuuqeen Osasuna ayaa waxa uu iska bixiyey shaadhka Barcelona oo uu dhulka ku tuuray, kaddibna waxa soo baxday in garanka Newell’s Old Boys oo uu ka hoos xidhnaa.
Laacibkan ayaa u dabbaal-degay si ay ka muuqato murugada geerida Diego Maradona, laakiin taasi waxay hadda dhibaato ku tahay Barcelona oo lagu ciqaabi doono ficilka uu sameeyey Lionel Messi, waxaana sugaya ganaax lacageed.
Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa waddanka Spain, go’aanka uu qaatay Lionel Messi ee ah inuu xidho maaliyadda Newell’s Old Boys ee uu Maradona kusoo ciyaaray isagoo heli karayay garankii halyeygani u xidhan jiray Barca ayaa waxay keeni doontaa in kooxda reer Spain lagu rido ciqaab.
Qodobka 91 ee xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF ayaa waxa uu dhigayaa in ciyaartoyga soo bandhiga garanka koox kale isagoo iska saaray shaadhka kooxdiisa rasmiga ah, in lagu rido 3,000 Euro, taas oo aan ciyaartoyga ku dhacayn balse naadigiisa dusha looga tuurayo.
Xidhiidhka kubadda cagta Spain ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin arrintan, hase yeeshee waxay warbaahinta dalkaasi tibaaxayaan in qodobkan sharci yahay mid caddaan ah oo la dabakhi doono.