Maxaa soo celiyay adeegsiga erayga ah Jubbaland
Ka dib markii uu xooggaysay khilaafka u dhexeeya Hogaamiyaha Mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Hogaamiyaha Jubbaland Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo salka ku haaya maamulida 16 kursi ee laga soo doorto gobolka Gedo waxaa kor u kacay abaabulka ay wadaan siyaasiyiinta taageersan Hogaamiye Farmaajo ee ah in loo baahanyahay “Jubbaland loo dhanyahay”.
- Advertisement -
Shalay waxa magaalada Balad-xaawo ee gobolka Gedo gaarey xubno uu hor-kacaayo wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan, oo hore halkasi ciidamo isaga taabacsan ay kula dagaallameen kuwa dowladda Soomaaliya waxa uuna sheegay in loo baahanyahay Jubbaland oo dhanyahay.
Janan, ayaa doorashadii madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ay aqoonsadeen beesha Caalamka iyo Dowladda uu hoggaamiyo Hogaamiye Farmaajo ku sheegay in lagu dhisay qaab boob ah sida uu hadalka u dhigay.
Janan ayaa meesha ka saaray xilka ka qaadista uu ka sameeyay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe isaga oo intaasi ku daray in uusan jirin maamul ay leedahay Jubbaland oo loo dhanyahay.
Talaabadaan ayaa la rumaysanyahay in ay gadaal ka taagantahay Dowladda Faderaalka Soomaaliya oo ay Axmed Madoobe isku hayaan awooda gobolka Gedo iyo guud ahaan maamulka maadaama ay siyaasad ahaan aad u kala fogyihiin maamulka Axmed Madoobe.
Su’aalaha ku gadaaman Cabdirashiid Janan.
Waligiis si rasmi ah dacwad ma loogu soo oogay?
Maxay u jiri waysay tallaabo kale oo ay maxkamadda qaaddo, kaddib dhageysigii ugu horreeyay ee dacwaddiisa?
Maxaa loogu hayay xabsi aan rasmi ahayn?
Siduuse ku baxsaday?
Janan waa in lagu qaadaa xadgudubyada uu geystay!
Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amneyst International ayaa ka falcelisay talaabadda uu Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan isugu dhiibay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee qeybta Amneyst ee barga Afrika ayaa lagu muujiyey in ay rabaan in Janan loo maxkamadeeyo eedeymaha xadgudubyo bini’aadanimo ee loo haysto.
“Hadda Cabdirashiid Janan wuxuu ku jiraa gacanta dowladda federaalka Soomaaliya. Mas’uuliyiinta waa in ay xaqiijiyaan cadaaladda ayna kula xisaabtamaan dhamaan xadgudubyada bini’aadanimo ee uu ka geystay Gedo. Dhibaneyaasha iyo qoysaska ay saameysay waxay mudan yihiin cadaalad,” ayaa lagu yiri warka qoraalka.
Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhawaqa Amneyst oo kasoo yeeray labaduba – Janan iyo dowladda Soomaaliya. Kama jawaabi codsiyo ku saabsanaa in ay shaaciyaan mowqifkooda.
Janan ayaa Arbacada waxa uu daaha ka rogay in uu heshiis la galay dowlada federaalka ah ee Soomaaliya isla markaana wixii hada ka dambeeya ka shaqeynayo nabada gobolka Gedo.