Jabuuti ayaa jawaab adag ka bixisay eedeymaha dowladda Soomaaliya

Jabuuti (Axadle) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka warbixisay eedeymihii ugu dambeeyay ee ay u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saabsan faragelinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta jamhuuriyada jabuuti Ridwaan cabdullahi Bahdoon ayaa ugujawaabay dhigiisa somalia cismaan abuukar dubbe asaga oo u jawaabaya in dano siyaasadeed laga leeyahay hadalada kulul ee hada ka imanaya dowlada somalia.

- Advertisement -

Bahdoon wuxuu xusay inay muhiim tahay in madaxda Soomaalida ay yeeshaan aragti midaysan oo ku aadan doorasho lagu kalsoonaan karo oo dhaqso ku dhacda.

Eedeymaha noocan oo kale ah ee ka imanaya Soomaaliya waa kuwo salka ku haya arrimo siyaasadeed, waxaana muhiim ah xilligan in hoggaamiyeyaasha siyaasaddu ay leeyihiin hadaf midaysan, kaas oo ah in si deg deg ah looga heshiiyo qorshe doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo waqtigeeda ku habboon si loo xoojiyo nabadda. Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Wasiirka Warfaafinta Jabuuti.

Wuxuu intaas ku daray: “Jabuuti waxay si qoto dheer uga walaacsan tahay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, ee ka been sheegay Jabuuti. Jabuuti waa dal taariikh ahaan muujiyey inuu sii wado taageerada walaaltinimo ee Soomaaliya.”

Ugu dambeyntiina, wasiirka warfaafinta Jabuuti wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay dadaal badan ku bixisay sidii nabad iyo dib-u-heshiisiin loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, taasina ay keentay in Soomaaliya ay dib u hesho booskeedii UN-ka.

“Jabuuti waxay sameysay dadaal si ay uhesho nabad iyo dib uheshiisiin, shirkii Carta wuxuu ka dhashay dhaxalka Soomaaliya ee dib u helida kursiga UN-ka kadib sanado badan oo ay maqneyd.”

Kooxda ayaa mari doonta digniino isdaba joog ah oo ay dowladu dhawaan ka soo saartay hawada Jabuuti iyo Kenya waxayna ku eedeysay inay xoog ku yeelan karaan hadaladii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Midowga Afrika.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More