Maxaa Ka Dhacay Horyaalka La Liga Xalay Oo Ka Yaabiyay Dad Badan?

Garsooraha kulankii Sevilla vs Granada ayaa seeriga dhamaadka ciyaarta yeeriyay iyadoo weli ay hal daqiiqo ka harsan tahay ciyaarta, ka dib wuxuu ciyaartoyda uga soo yeeray qolka labiska isagoo ku soo celiyay garoonka si ay u dhameystiraan daqiiqadii ka harsaneyd ciyaarta.

Afar daqiiqo oo dheeri ah ayaa lagu daray kulankii horyaalka La Liga ee xalay iyadoo garsooraha uu ciyaarta dhameeyay daqiiqadii 93aad.

Garsoore Ricardo de Burgos Bengoetxea ayaa ka dib ciyaartoyda ugu baaqay inay garoonka ku soo laabtaan xilli ay gaareen qolalkooda labiska si ay u dhameystiraan daqiiqadii ka harsaneyd ciyaarta.

Ciyaaryahanadda labada kooxood ayaa dib ugu soo laabtay garoonka iyadoo qaar ka mid ah ciyaartoyda ay dib u xirteen garankooda madaama ay iska siibeen iyagoo moodayay inay ciyaarta dhamaatay.

Waxay aheyd arin cajiib ah oo ka yaabisay dad badan xalay.

Garsooraha ayaa qalad weyn ku lahaa inuu ciyaarta dhameeyo iyadoo weli ay daqiiqad harsan tahay xilli ay Sevilla ciyaarta ku hogaamineysay 2-1.

Laakiin daqiiqadii la dhameystiray wax weyn iskama bedelin ciyaarta iyadoo ay ciyaarta ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay kooxda Sevilla ku badisay.

Daawo muuqaalkaan cajiibka ah ee xalay ka dhacday horyaalka La Liga:

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More