Itoobiya oo uga digtay beesha caalamka ‘in ay soo

Itoobiya waxa ay ugu baaqday beesha caalamka in aysan isku dayin “Tallaabooyin aanan lasoo dhaweeynin oo ah falal sharci darro ah oo ku saabsan faragelinta xaaladda” xilli uu isa soo tarayo cadaadis caalami ah oo ku saabsan xabad joojin si gargaar banii’aadanimo loo gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray oo muddo saddex toddobaad ah lagu dul dagaallamayo.

Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay u diyaargaroobaan in xaaladda ay faraha lasoo galaan tan iyo inta xukuumadda ay ko codsaneyso in laga caawiyo qalalaasaha haatan ka taagan gobolka Tigray.

Abiy wuxuu sheegay in dalkiisa “uu diiday in lasoo farageliyo arrimaha gudaha” kana codsaday beesha caalamka “In ay qaddariyaan mabaa’diida aasaasiga ah ee dhigayo in la sameyn wax faragelin ah sida ku xusan xeerarka caalamiga ah”

Raysul Wasaaraha wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo walaac beesha caalamka ay ka muujinayaan xaaladda.

“Waxaan carabka ku adkeynayaa in Itoobiya ay leedahay awood isla markaana ay ku rajo weyn tahay in ay xaliso xaaladda iyadoo loo marayo sharciga iyo xeerarka caalamiga ah” ayaa lagu bayaan kasoo baxay xafiiska Raysul Wasaaraha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More