30ka Ciyaartoy Ee Difaaca Dhinacyada Ee Ugu Mushaharka Badan

Labada difaac ee dhinacyada ee Liverpool ee Andy Robertson iyo Trent Alexander-Arnold ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa ugu fiican boosaskaas ee ka ciyaara horyaalka Premier League, laakiin haddana ma aha kuwa qaata mushahar u dhigma shaqadooda.

Mushaharka ay qaataan dhamaan ciyaartoyda difaacyada dhinacyada ee No.2 iyo No.3 ayaa la shaaciyey, waxaana booska ugu hooseeya ee dhimashada ah ku jira xiddiga Liverpool ee Trent Alexander-Arnold oo ah dulme dhab ah.

Inkasta oo Alexander-Arnold uu yahay midka ugu shaqada badan dhinaca la shaqaynta weerarka iyo dhismaha kubadda ee dhamaan ciyaartoyda difaaca midig ee Premier League, haddana kooxdiisa kama helo wax u dhigma shaqadiisa, waxaanu ku jiraa kaalinta 30aad ee mushaharka difaacyada Premier League ee dhinacyada bidixda iyo midigta.

Xataa waxa uu Alexander-Arnodl ka hooseeyaa saaxiibkiisa Andy Robertson, iyadoo uu toddobaadkii qaato mushahar dhan £40,000 Gini.

Andy Robertson ayaan isaguna wax badan dhaamin saaxiibkii, waxaanu toddobaadkii mushahar ahaan uga qaataa Liverpool lacag dhan £50,000 Gini.

Saxeexa cusub ee Chelsea ee Ben Chilwell ayaa ah difaaca dhinaca ee ugu mushaharka badan Premier League, waxaanu usbuucii u xaadiraa lacag dhan £190,000 Gini, taas oo shan jibbaar ka badan inta uu qaato Alexander-Arnold. JKaalinta labaad ayuu ku jiraa saaxiibkiisa Stamford Bridge ee Cesar Azpilicueta oo isaguna qaata £145,000 Gini, halka uu kaalinta saddexaad oo cidhiidhsaday Luke Shaw oo £120,000 Gini qaata.

Halkan kaga bogo mushaharka ciyaartoyda difaaca dhinacada ee Premier League

30. Trent Alexander-Arnold – £40,000 – Toddobaadkii

=27. Aaron Creswell – £50,000 – Toddobaadkii

=27. Andrew Robertson – £50,000 – Toddobaadkii

=27. Christian Fuchs – £50,000 – Toddobaadkii

=25. Kieran Gibbs – £55,000 – Toddobaadkii

=25. Patrick Van Aanholt – £55,000 – Toddobaadkii

=22. Danny Rose – £60,000 – Toddobaadkii

=22. Ben Davies – £60,000 – Toddobaadkii

=22. Matt Doherty – £60,000 – Toddobaadkii

=21. Konstantinos Tsimikas – £60,000 – Toddobaadkii

20. Brandon Williams – £65,000 – Toddobaadkii

19. Emerson Palmieri – £67,500 – Toddobaadkii

18. Nelson Semedo – £69,575 – Toddobaadkii

=14. Serge Aurier – £70,000 – Toddobaadkii

=14. Ryan Bertrand – £70,000 – Toddobaadkii

=14. Ricardo Pereira – £70,000 – Toddobaadkii

=14. Seamus Coleman – £70,000 – Toddobaadkii

=12. Sergio Reguilón – £80,000 – Toddobaadkii

= 12. Joao Cancelo – £80,000 – Toddobaadkii

11. Kieran Tierney – £80,769 – Toddobaadkii

=8. Aaron Wan-Bissaka – £90,000 – Toddobaadkii

=8. Benjamin Mendy – £90,000 – Toddobaadkii

=8. Lucas Digne – £90,000 – Toddobaadkii

7. Reece James – £91,667 – Toddobaadkii

=5. Marcos Alonso – £100,000 – Toddobaadkii

=5. Sead Kolasinac – £100,000 – Toddobaadkii

4. Hector Bellerin – £110,000 – Toddobaadkii

3. Luke Shaw – £120,000 – Toddobaadkii

2. Cesar Azpilicueta – £145,000 – Toddobaadkii

1. Ben Chilwell – £190,000 – Toddobaadkii

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More