Howlgal sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay
Howlgal sababay dhimasho & Dhaawac ayay Ciidamada ammaanka DG Puntland ka sameeyeen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo kadib markii ay heleen xogta koox la sheegay in ay ka ganacsato walxaha maanka-dooriya.
- Advertisement -
Ciidamada oo damacsanaa in ay gacatan ku dhigaan kooxdaan ayaa iska caabbin kala kulmay kooxda, waxaana iska hor imaad dhexmaray labada dhinac ku dhintay hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen 4-kale sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo kala duwan.
Hay’adaha ammaanka DG Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno la socday kooxda iibineysay walxaha maanka-dooriya kadib saacado dabagal ay ku hayeen si ay gacanta ugu soo dhigaan sida ay sheegeen ilo wareedyo ku sugan Waqooyi Gaalkacyo.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa laamaha ammaanka faray in ay tallaabo ka qaadaan cid weliba oo ku lug yeelata ka ganacsiga & isticmaalka walxaha maanka-dooriya oo qayb ka ah dhibaatooyinka bulshada sida dhaca.
Howlgalka ka dhanka ah kooxda iibisa walxaha maanka-dooriya sida: Qamriga, Xashiiska & Calaqa ayaa si xooggan uga socda Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo qayb ahaan hoostagta DG Puntland.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug dhanka DG Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa amray in lasoo xiro dadka iibiya walxaha maanka-dooriya isla markaana la geeyo maxkamad si xasiloonida Gaalkacyo u hagaagto.
9-kii Agoust 2020, iska hor imaad ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo waxaa ku dhintay Cismaan Cumar Maxamed Taliyihii Madaxtooyada Puntland xili uu hoggaaminayay howlgal ka dhan ah Qamriga oo ka dhacay Magaaladaas.