HORDHAC: Leicester Metropolis vs Man United – Purple Devils

Manchester United ayaa markii 31-aad ee waayaheeda gaadhi karta wareega afar dhammaadka FA Cup waana rekoodh aysan hore u gaadhin koox England ahi marka ay la ciyaarayaan caawa kooxda Leicester City oo ay ku booqanayaan gegida King Power Stadium.

- Advertisement -

Labada kooxoodba waxa ay muhiimad siinayaan inay ku dhammaystaan afarta sarre ee Premier League balse waxa ay FA Cup u arkaan wado kale oo macquul ah oo ay koob ugu guuleysan karaan xilli ciyaareedkan.

WARARKA LABADA KOOXOOD EE KULANKA KAHOR

Manchester United ayaa qiimayn doonta taam ahaanshaha Marcus Rashford oo jug yari ku gaadhay kulankii Europe League isla markaana la badalay wakhtigii nasashada ee ciyaartii ay ka adkaadeen AC Milan.

Maqnaanshaha Marcus ayaa dhibaato iyo weeraryahano yaraan iskugu daraysa Man United maadaama taam ahaanshaha Anthony Martial uu wali shaki ku jiro isla markaana Edinson Cavani aan la hubin haddii uu si buuxda uga soo kabtay dhaawacii muruqa ahaa.

Sidoo kale daafaca dhexe ee Manchester ee Eric Bailly oo la sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago kooxdaas ayuu isagana shaki ku jiraa maadaama oo uu jug yar qabo, Juan Mata iyo Phil Jones ayaa hubaal maqnaanaya.

Alex Telles, Nemanja Matic iyo Donny Van De Beek ayaa ah ciyaaryahanada ku riixaya Ole inuu kusoo bilaabo ciyaartan, wali lama hubo midka booska goolhayaha kusoo bilaaban doona David De Gea iyo Dean Henderson.

Leicester ayay wali kasii maqnaan doonaan James Maddison, Harvey Barnes, Cengiz Under, James Justin iyo Wes Morgan si lamid ah Ricardo Pereira balse Dennis Praet ayaa soo laaban kara.

SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD

Leicester City (3-4-1-2): Schmeichel; Fofana, Evans, Soyuncu; Castagne, Tielemans, Ndidi, Thomas; Perez; Iheanacho, Vardy

Man United (4-2-3-1): Henderson; Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Telles; Van De Beek, Matic; James, Fernandes, Pogba; Greenwood

XOGTA KULANKA

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 8:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: King Power Stadium

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More