Goobaha Ganacsiga Garoowe oo maanta u xiran isbadalka
Deegaannada DG Puntland waxaa saameeyay isbadalka sarifka Doollar oo sare u kac ku yimid, cabashada ganacsatada oo gaartay maamulka waxaa ka dhashay kulamo dhowr jeer dhexmaray inkasta oo aan natiijo muuqata laga gaarin.
Maamullada Gobollada Nugaal, Bari & Mudug ee DG Puntland ayaa sameeyay isu day ay ku dirqinayaan Ganacsatada qaar ee diidan qaadashada Shillin Soomaaliga, taas oo keentay in uu istaago isu socodka Ganacsiga yar yar.
Maanta oo Isniin ah waxaa xiran inta badan Suuqa weyn & Goobaha Ganacsiga ee xaafadaha ku yaalla kadib markii Ganacsatada yar yar ay sheegeen in ay dhibaato ku tahay diidmada kunka shillin Soomaaliga.
Lacagta halka doollar ayaa gaaray 50,000 Sh.so (Konton kun Shillin Soomaali ah), halka meelaha qaar laga diiday in laga safiro lacagta, maadaama ay ka baqayaan isbadal kale uu ku yimaado sarifka.
Meelaha xiran waxa ay u badan yihiin Goobaha lagu iibiyo Khudaarta, Hilibka & Ganacsiyada kale ee xaafadaha sida Dukaamada oo maanta dhammaan dadka iska leh albaabada isugu dhufteen.
Magaalada Garoowe oo xuddun u ah DG Puntland waxaa ka socda kulamo looga xaajoonaya go’aanka lagu xakameynaya diidmada lacagta, sicir bararka & gadoodka Ganacsatada, maadaama saan-saanta muuqata ay sababi karto kacdoon shacab.
Axadle.