Koomadii Wuu Kasoo Kacay, Waanu Neefsan Karayaa – Xiddigii

Raul Jimenez ayaa ugu dambayntii bilaabay inuu si caadi ah u neefsado, miyirkuna uu usoo noqday kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay madaxa kulankii xalay ay Wolves 2-1 ku garaacday Arsenal.

Weeraryahanka reer Mexico ee Raul Jimenez ayay isku dhaceen difaaca reer Brazil ee David Luiz oo isaguna qaybtii dambe beddel kaga baxay Arsenal, waxaana labadan ciyaartoy ay si toos ah iskugu dhufteen madaxa, taas oo keentay in Raul Jimenez uu dhulka ku dhaco isagoo markiiba koomo galay.

Dhakhaatiirta ayaa in muddo ah kula tacaalaysay garoonka dhexdiisa, iyagoo ku xidhay qalab ka caawiya neefsiga, waxaana lagu qaaday baabuurka gargaarka degdegga ah oo lagu gaadhsiiyey cusbitaalka.

Kabtanka Wolves ee Conor Coady ayaa ugu dambayntii xaqiijiyey in Raul Jimenez uu bilaabay inuu neefsado iyadoo aanay qalab naqaska ka caawinayaa ku xidhnayn, sidoo kalena uu koomadii ka baxay oo uu miyirkiisu caadi kusoo laabtay inkasta oo uu dhakhtarka ku qaatay xalay.

Conor Coady ayaa yidhi: “Waxaanu rajaynaynaa in David Luiz uu caadi yahay sababtoo ah wuxuu ahaa isku dhac madaxa ah oo xun. Way ka dhacdaa kubadda cagta laakiin maanaan jecalyn inaanu aragno, labada ciyaartoyna markii ay baxeen ciyaartu si caadi ah ayay usii socotay.

“Wax adag baa dhacay waxaananu ku ducaysanaynaa in wax walba ay caadi kusoo noqdaan sababtoo ah waa sida kaliya ee aanu hadda ku fikirayno.”

Ugu dambayntii waxa uu ka hadlay sida xaalka Raul Jimenez yahay, waxaanu yidhi: “Jimenez wuxuu joogaa cusbitaalka isaga oo caadi kusoo noqonaya. Wuu kasoo kacay koomadii waanu neefsanayaa. Taas ayaa ah wixii aanu rajaynaynay.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More