Gobolka Banaadir oo gacan ka taagay maareynta Biyaha fadhiya

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qirtay in uusan awoodin sameynta Biyo mareeno laga gudbiyo Xareedda roobka da’aya si aysan u fadhiisan waddooyinka Magaalada Muqdisho oo qaarkood socodkoodu go’ay.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dhaqaale gaaraya $300 Milyan (Saddex boqol oo milyan oo dollar) uu ku baxayo mashruuca lagu hirgelinayo biyo mareeno casri ah.

“9-kii Bilood ee lasoo dhaafay waxaa Caasimadda ka da’ay roobab saameyn ku yeeshay Muqdisho, maamulka Gobolka Banaadir & Khubaro heer caalami ah ayaa sameeyay daraasad xal loogu helayo biyo deneenada si meelo ay maraan loo helo, balse qiimeynta lasoo saaray ee ku baxeyso ay tahay $337 Milyan, Bangiga Adduunka ayaa ballanqaaday $37-Doollar, haddaba maamulka Gobolka Banaadir ma awoodo bixinta $300 Milyan” Afhayeenka Gobolka Banaadir ayaa sidaas yiri xili uu Warbaahinta uu u aqriyay warka kasoo baxay maamulka.

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah la qaatay maamulka Gobolka Banaadir 2-da November 2020 ayaa u sheegay in dadka kunool Muqdisho ay yihiin Canshuur bixiyaal, sidaas awgeed ay xaq u leeyihiin helitaanka waddooyin wanaagsan oo ay maraan.

Rooble ayaa fadhiga ka sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu ka gaabiyay howsha la xiriirta furista waddooyinka biyaha roobka jaray & in ay ogaadaan muddo todobaad ah waxa ay ka qabtaan howshaan.

      Waxaan faray Maamulka Gobolka Banaadir in ay degdeg wax uga qabtaan biyaha x… – Waxaan faray Maamulka Gobolka Banaadir in ay degdeg wax uga qabtaan biyaha xiray jidadka qaar, Nadaafadda Caasimadda & caawinta dadka ay roobabku wax yeelleeyeen

5-tii November 2020, maamulka Gobolka ayaa ku dhawaaqay mashruuc lagu dhisayo bulaacado biyaha waddooyinka ka qaada kuna shuba badda, dhaqaalaha ku baxanaya ay kala hadlayaan Ganacastada, Safaaradaha kala duwan & cid waliba oo ay dhaqaale ka qaadi karaan.

Haddaba, Maxaa keenay is dhiibitaanka maamulka Gobolka Banaadir ee ah in aysan waxba ka qaban Karin xakameynta biyaha waddooyinka fadhiistay?

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More