PSG Oo Aqbashay Inay Samaysay Qalad Weyn Oo Ay Ka

Agaasimaha ciyaaraha Paris Saint-Germain ee Leonardo ayaa qirtay in kooxdiisu ay samaysay qalad weyn markii ay ogolaadeen in Thiago Silva uu si bilaash ah ugu biiro Chelsea xagaagii tegay.

PSG oo tagtay finalkii Champions League ee xili ciyaareedkii hore ayaa go’aansatay in aanay wax heshiis ah u bandhigin ruug-caddaagan difaaca ee Silva, waxaana ka faa’iidsaysatay Chelsea oo lasoo saxeexatay, laakiin hadda ayay ka qoomamoonayaan go’aankaas.

“Mararka qaarkood, waxaanu nidhaahnaa ‘maxaynu samaynaynaa.’ Si cad ayaanu ula hadalnay iyaga… waxay ahayd xaalad aanaan si dhab ah usiin karayn waxa ay doonayaan.” Ayuu yidhi Leonardo oo cudur-daar u samaynayay go’aanka kooxdiisa.

“Waxay ahayd mushkilad dhaqaale. Waxay ahayd waqti aanu ku xisaabtanay Marquinhos iyo Kimpembe. Go’aamadu way adkaayeen in la qaato. Marka intaas lag ayimaaddo, waxaanu samaynay qalad.” Ayuu raaciyey.

Chelesea ayaan ka fadhiisanin inay lasoo saxeexdaan Thiago Silva isla markii ay fursadda u heleen, waxaanu tiir adag ka noqday safka difaaca oo uu si joogto ah u ciyaaro.

Waxa kale oo uu qayb ka noqday dibu-dhiska kooxda oo sidoo kale ay lasoo saxeexdeen Hakim Ziyech, Ben Chilwell, Kai Havertz, Timo Werner, Edouard Mendy iyo Sarr.

Frank Lampard ayaa kalsoonida ugu badan ku qaba in difaaca dhexe uu ka ciyaarsiiyo Thiago Silva oo uu garab istaajiyo Zouma, halka labada dhinacna ay Ben Chilwell iyo Reece James kala haystaan.

Si kastaba, PSG ayaa dib ugu soo laabanaysa suuqa iibka ciyaartoyda, waxaanay doonayaan inay lasoo saxeexdaan Cristiano Ronaldo oo la sheegayo in Juventus ay diyaar u tahay inay iibiso.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More