“Fadlan Naga Qari Oo Yaanaan Arkin Firmino Mar Dambe” –

Tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp ayaa lagula taliyey inuu muddo laba toddobaad ah kursiga kaydka u diro laacibka reer Brazil ee Roberto Firmino, isla markaana uu booskiisa ka ciyaarsiiyo Diogo Jota.

Halyeygii hore ee difaaca Liveprool ee Jamie Carragher ayaa u sheegay tababaraha kooxdiisa hore, in Roberto Firmino ay tahay inuu kasoo muuqdo kaydka, waqtiganna aanu sii ahaan karayn doorashada koowaad ee afka hore ee weerarka.

Firmino ayaa kulamadii ugu dambeeyey hoos u dhac lagu arkayay xilli uu Anfield yimid Jota oo bandhig cajiib ah samaynayay, isla markaana dhaliyey goolal badan, halka uu Firmino wali ka raadinayo inuu shabaqa soo taabto.

Jota oo Liverpool ay £41 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Wolves xagaagii dhowaa ayaa Jurgen Klopp uu door-biday inuu afar weerar ah ku ciyaaro kulankii Man City, iyadoo uu garoonka soo wada galiyey Mane, Salah, Firmino iyo Jota, laakiin Carraghere ayaa rumaysan in xalka ugu habboon ay tahay inuu shaxda koowaad ka tuuro Firmino.

“Firmino qaab wanaagsan kuma jiro waqtigan, ilamana ah in xili ciyaareedkii horena uu qaab fiican ku jiray. Xataa inkasta oo Liverpool ay horyaalka ku guuleysatay waxyaabaha qaarkood ayaa daboolnaa.” Ayuu yidhi Carragher.

Difaaca hore ee Liverpool oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Firmino wax gool Premier League ah kuma dhalinin guriga intii ka dambaysay ciyaartii Chelsea.

“Jamaahiirta Liverpool way barteen in ku filan dhaliyeyaasha Liverpool. Laakiin xataa xogta cidhiidhinta, anigu waan hubiyey maalintii kale manay ahayn sidii ay hore u ahaan jireen.

“Xirfaddaada waxa jirta waqtiyo aad sarrayso iyo waqtiyo aad hoosayso… kaydka fadhiiso. Isaga ayuu qof waliba eegayaa, markaa waa inaad iga qariso saddexda ama afarta ciyaarood ee soo socda.”

Afka hore ee weerarka ayuu Carragher doonayaa in Liverpool ku ciyaarto Salah-Mane-Jota.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More