Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa cambaareeyay xaaladda

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “caburinta lagu hayo dadka reer Hiiraan, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Beledweyne”.

Siyaasiga C / raxmaan C / shakuur Warsame ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya inay ka waantoobaan inay awood militari u adeegsadaan dadka rayidka ah, ee ka walaacsan dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeelle.

“Waxaan cambaareynayaa falalka lagu cabudhinayo codka shacabka reer Hiiraan. Waxaan ugu baaqayaa AMISOM, iyo ciidamada Itoobiya, inay ka waantoobaan adeegsiga awooda iyo danaha madaxweyne Farmaajo. Waxaan ilaahay ka baryayaa in uu soo gaadho booga shacabka weerarada ku dhaawacay askarta mudaharaadayaasha ‘Ayuu yiri C / raxmaan

“Waxaan ilaahay ka baryayaa inuu soo gaadhay booga dadkii ku dhaawacmay weeraryahanadii xoog ku rasaaseeyay mudaharaadayaasha xoog” ayuu raaciyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hadalka hogaamiyaha xisbiga Wadajir C / raxmaan C / shakuur ayaa ku soo aadaya xili banaanbaxyo waa weyn oo ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah ay ka dhaceen magaalada Baladweyne.

Mudaaharaad Looga dhan ah dadka rayidka ah iyo saldhigga ka agdhow taas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta uu sarkaalka u xiray.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More