Bangladesh:- Dab xoog leh oo ka kacay xero ay

Dab aad u baaxad weyn ayaa qabsaday xero qaxooti oo ay daganyihiin qaxootiga Rohingya oo ku taal koonfurta Bangladesh, sida ay sheegeen saraakiil iyo goobjoogayaal, waxaana ku gubtay boqolaal kontomeeyo ah.

Fiidiyowyo la soo dhigay baraha bulshada Isniintii ayaa muujinayay uuro iyo qiiq ka baxaya Balukhali Camp 1 oo ku yaal Cox’s Bazar.

“Waxaan helnay warbixintii dabka waana ka jawaabnay dhacdada. Waxaan isku dayeynaa inaan xakameyno dabka, ”Mohammad Shamsud Douza, oo ah sarkaal ka tirsan guddiga gargaarka iyo dib u celinta qaxootiga oo la hadlay wakaalada warar ee Anadolu.

Halkaan ka daawo Muuqaal muujinaya dabka

Goobjoogayaal ku sugan xerada oo ku taal Cox’s Bazar ayaa sheegay in dabku uu billowday abbaare 3.30 galabnimo xilliga maxalliga ah (10: 30GMT) welina aan la xakamayn.

“In kabadan 700 oo teendho ayaa gubtay halka dabku uu ku dhawaaday inuu xakameeyo,” Mayyu Khan, oo ah hogaamiyaha bulshada Rohingya, ayaa u sheegay Anadolu.

Muhammad Ayyub, oo ah wakiil kale oo Rohingya ah, ayaa Anadolu khadka taleefanka ugu sheegay in ugu yaraan hal haween ah oo 19 jir ah iyo laba carruur ah, oo da’doodu tahay lix iyo sagaal, la xaqiijiyay geeridooda balse tiro kale wali lawaysanyahay nolol iyo geeri.

Bishii Janaayo, dab ayaa qabsaday xero kale oo qaxooti Rohingya ah oo ku taal Cox’s Bazar taas oo sababtay in kumaan kun ay hoy la’aan noqdeen.

Sida laga soo xigtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, in ka badan 550 guri – oo ay ku nool yihiin ugu yaraan 3,500 oo qof – ayaa gebi ahaanba ama qayb ahaan ku burburay dabka ka kacay xerada Nayapara, iyo sidoo kale 150 dukaanno iyo xarun ay leedahay hay’adaha madaxa banaan.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, dowladda Bangladesh waxay dhowr kun oo Rohingya ah u rartay jasiirad fog inkasta oo ay mudaaharaadyo ka yimaadeen kooxaha xuquuqda aadanaha oo sheegaya in dib u dejinta qaar la qasbay, eedeymaha ay diideen mas’uuliyiinta.

In ka badan hal milyan oo Rohingya ah ayaa ku nool xeryaha berriga ee ku yaal koonfurta Bangladesh, inta badanna waxay ka qaxeen Myanmar sanadkii 2017-kii hawlgal militari ay horseed ka ahayd oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in lagu fuliyay ujeedo xasuuq ah – eedeymaha ayaa beenisay Myanmar

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More