YAAB: Tababare Tuchel Oo Xaqiijiyay Sabab Qariib
Goolhayaha kooxda Chelsea ee Edouard Mendy ayaa la xaqiijiyay inuu seegayo kulamada caalamiga ah ee uu xulkiisa Senegal ciyaarayo bishan March isla markaana uu ku seegayo sababtoo ah inuu booqanayo dhakhtar ilkood.
Tababare Thomas Tuchel ayaa si rasmi ah u shaaciyay shalay in 29 sano jirkaasi uusan xulkiisa Senegal ula safri doonin labada kulan ee kamidka ah kuwa loogu soo baxayo tartanka koobka Africa ee sanadka dambe qabsoomaya.
Mendy ayaan kasoo muuqanin Chelsea kulankii FA Cup ee ay shalay guusha 2-0 ka ah ka gaadhay dhigeeda Sheffield United iyadoo goolhayaha ree Spain ee Kepa Arrizabalaga uu ahaa midka kusoo bilawday.
Haatana Mendy ayaa meesha laga saaray fursada uu xulkiisa ku metelayo labada kulan ee ay la ciyaarayaan Congo iyo Eswatini, Senegal ayaa xilli horeba xaqiiqsatay booskeeda ka qayb galka koobka qaramada Africa oo Cameroon ka dhici doona.
Thomas oo shalay ka hadlay Mendy ayaa yidhi “Mendy wuu joogi doonaa sababtoo ah qaliin ayuu ku gelayaa ilkihiisa, isagu waxa uu u baahan yahay inuu arko dhakhtarka ilkaha sababtoo ah waa hawl u baahan in la qabto, waa sababta aanu hadda u samaynayno”
Tuchel ayaa aad u rajayn doona in goolhayihiisa dookha koowaad uu diyaar u noqon doona kulanka ay West Bromwich Albion kusoo dhawaynayaan Stamford Bridge 3-da bisha dambe ee April.
Mendy ayaa ilaa hadda 14 kulan oo uu Tuchel la shaqeeyay 11 kamid ah shabaq nadiif ah ku baxay iyadoo macalinka ree Germany wali guuldarro la’aan yahay.
Maqnaanshaha Mendy ee shalay ayaan aad loo tabin sababtoo ah inuu Kepa oo dhammaan kulamada FA Cup xilli ciyaareedkan ciyaarayay kusoo bilawday.