Afhayeenka Midowga Musharaxiinta oo hadlaya

Musharax Daahir Maxamuud Geelle oo ah afhayeenka Golaha Musharaxiinta ayaa ka hadlay qaraxii lala eegtay sarkaal ka tirsan ciidamada oo gacan ka siinayay amnigiisa.

- Advertisement -

Daahir Maxamuud Geelle ayaa marka hore ka tacsiyeeyay geerida laba ka mid ah ilaaladii Cumar C / raxmaan, halka afar kale oo uu ku jiro sarkaalka la dhaawacay.

Geelle ayaa shaaca ka qaaday magacyada labada askari ee dhintay: Axmed Cali Maxamuud & Xasan Cali Maxamed, inta dhaawacmay Gaashaanle Sare Cumar C / raxmaan, Yaasiin Muxudiin Khaliif, Abaanduulaha guud, Xuseen Cali Xasan Caddow & Abuukar Maxamed Cabdulle ee ilaaliyayaashiisa.

Daahir Geelle oo qoraalkan soo dhigay bartiisa bulshada ayaa Cumar iyo saddexda kale ee dhaawaca ah u rajeeyay caafimaad deg deg ah, wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida labada ilaalada ah.

Taliye Cumar waa sarkaal caan ah oo dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay lahaa geesinimo uu ku soo rido ilmaha, u afduubto argagixisada, ilaahayna ha idinka caafiyo askarta yar yar. Sidaa ayuu yidhi musharrax Daahir Maxamuud Geelle.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay afaafka hore saldhigga booliska ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho. Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ka dhacay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxayna ujeedkeedu ahaa inay dilaan sarkaalka laakiin wuu ka badbaaday isagoo badqaba.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Muqdisho

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More